Hargeysa(W,N)Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland ayaa maanta kuso dhaweeyey magaalada hargeysa wafti balaadhan oo kasocota dawlada aynu jaarka nahay ee Dalka Itoobiya isla markaana uu hogaaminayo ambassador salamon oo ah wakiilka saafarada itobiya u fadhiyda dalka somaliland.
Waxaana ajadaha socdaalka ay waftidani kusoo gaadheen magaalada hargeysa uu daraana sii ay waftiganu uga qayb galli lahaayeen shir sanadle ah oo ay wada yeeshaan dawlada Somaliland iyo itoobiya isla markaaana lagag hadlayo sidi loo xojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dawladood.
Waxaana soo dhawayn kadib ugu horeynba ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland Abdirahman Abdeeq Muxumed isagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha waftigan sidoo kalena ay kusoo dhawaynayaan magaalada hargeysa, sidoo kalena waxa uu agasimuhu ka hadlay ajandaha uu daaran yahay socdaalka waftigani ay ku yimaadeen magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland waxaana uu yidhi.
“waxaan maanta soo dhawaynaynaa wafti balaadhan oo ka socda dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waftigan oo ujeedadoodu tahay ka qayb gallka shir kaste oo ay labada dawladood wada qaadan jireen oo sanadle ahaa kuna saabsanaa sdii ay iskaga kaashan lahaayeen labadan dawladood dhanka waxbarashada,caafimaadka, wadooyinka, ganacisiga, waxaana waftigan oo aad u baaladhan hogaaminaya ambassador Salamo aad iyo aad Ayaan usoo dhawaynaynaa waxaana kale oo waftigan la socda safiirkeena itoobiya u fadhiya somaliland ambassador Maxamuud, waxan kusoo dhawaynaynaa qalbi furan, daacadnimo, wada shaqayn waana dalka kaliya ee aynu sida xooga ah iskugu xidnanay soo dhawaada Ayaan leenahay wafitga”sidaas ayuu yidhi agaasime Abdirahman Abdeeq Muxumed