Xukumada Siilanyo ayaa goordhawayd Xabsiga u taxaabtay Ganacsade Cumar Caydiid.
Ganacsadahan ayaa laga soo qabtay gurigiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo isagoon wax waaran qabasho ah loo samaynin ay ciidanka bilaysku xabsiga u taxaabeen, isla markaana wakhtigan ku jira Saldhiga degmadda Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale arrintan ayaa timid ka dib markii ay ganacsadaha iyo xukuumadu isku khilaafeen baarkinka baabuurta la dhigo ee Tiyaatarka magaaladda Hargeysa oo uu ganacsade Cumar Caydiid maalgalin badan ku bixiyey isla markaana dhismihiisu mudo sanado ah socday, balse xukuumada Siilanyo ay Baarkinkiisa soo siisay xubno Salaadiin ah, taas oo uu ka biyo diiday isaguna, ayna sababtay in xabsiga loogu taxaabo diidmadaasi.