WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo Qisaas ku Fulisay Lix Gacan ku dhiigle

Hargeysa  (Wajaalenews)-Xukuumada somaliland ayaa maanta qisaas ku fulisay lix gacan ku dhiigle oo ay ku cadaatay inay si badheedh ah u dileen  saraakiil iyo dad rayid ah .

Xukuumada ayaa saaka markii labaad fulisay qisaasta gacan ku dhiiglayaasha, waxaana gacan ku dhiiglayaashan lagu toogtay Boorama, Mandhera iyo Dararwayne.

Gacan ku dhiiglayaashan saaka qisaasta lagu fuliyay ayaa waxa ka mid ahaa askarigii dhawaan taliyaha ciidamada birmadka ku toogtay magaalada Berbera.

Waa markii labaad ee xukuumada madaxwayne Siilaanyo ku dhiirato fulinta qisaasta iyadoo markii hore ay si weyn uga soo horjeesteen qisaasta midowga Yurub iyo dawladaha caalamka.

Exit mobile version