WAJAALE NEWS

Waa Masuuliyad Qaran In la Ilaaliyo Dhaqaalaha Dalka Iyo Dadka, Waxaanan Qabaa in la Gaadhay Heerkii Ay Garsoorka Dalku Arrintan Ka Garnaqi Lahaayeen’ Ex Murashax Cbadirashiid Xasan Mataan.

Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan murashixii madaxwayne kuxigeen ee hore xisbiga ucid ayaa siqotodheer uga hadlay sixir bararka iyo doorka ay kuleedahay lacagaha layska soo daabacdo isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada wuxu soo dhigay qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo wuxuna u dhignaa sidan;

Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.

Wasiir Maxamuud Xaashi wuxu sheegay lacag la iska soo daabacay oo uu yidhi qasnado adag ayaa lagu xajinayaa.

Mushkiladda qiimo dhaca lacagaha sida shillinka iyo doolarka, waxa sabab u ah sida ay suuqa ugu kala bataan, daabacaadduna waa sababta koowaad ee suuqa soo galinaysa lacag aan qiimo ku lahayn suuqa.

Haddaba Waxa is waydiin leh:

  1. Maxaa loo soo daabacay lacag aan loo baahneyn oo sabab u ah qiimo dhaca?
  2. Kharash intee leeg ayaa lagu bixiyey daabacaadahan?
  3. Yaa masuuliyaddeeda leh ee go’aamiyey lacagtaa khalkhalka ku abuurtay suuqii dhaqaalaha dalka.
  4. Maxaa damaanada in aan doolar loo raadinaynin lacagtaa ka buuxda qasnadaha ee aynaan ogayn meel ay kaga jirto dhaqaalaha dalka.
  5. Maxaa loogu xagxaganayaa Zaad iyo eDahab oo ah service dadku u baahan yahay.

Waxan kusoo koobayaa, waa masuuliyad qaran in la ilaaliyo dhaqaalaha dalka iyo dadka, waxaanan qabaa in la gaadhay heerkii ay garsoorka dalku arrintan ka garnaqi lahaayeen si loogu abaal mariyo sharciga dayaca masuuliyadeed ee muuqda oo sabab u ah aafada sicir bararka

Exit mobile version