Dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira aduunka daafihiisa oo dhan waxa qayb wayn ka ciyaaray dulsaarka(ribada) taas oo inta badan la isla gartay dhamaan umadaha dunida ku nool, sida ku cad buuga uu qoray Maurice Allais ee la yidhaa shuruudaha maaliyadeed ee suuqa dhaqaalaha(Monetary Conditions of a market economy. Reflexion on the past with the preparation of the future) isagoo ka hadlaya sidii loo soo celinalahaa daganaanshii suuqyada wuxuu ku xidhay laba shuruudood oo kala ah:
In heerka dulsaarka laga dhigo eber ama si kale hadaan u dhigno la joojiyo dulsaarka
In cashuuraha hoos loo soo dajiyo lagana dhigo 2%
Qodobka koowaad ee uu sheegay dhaqaale yahaankaa faransiiska ahi waa mid ka turjumaya inaan wax faa’iido ah aanu lahayn dulsaarku sidaa darteed wanaaga diinteena islaamku leedahay ayaa inoo ogolaaday inaan sii ogaano oo la inooga sii digo dulsaarka iyo dhibaatadiisa, balse dhinaca kale waxa ayaan daro ah in baanan sheeganaya inay ku dhaqmayaan nidaam islaam ah madaama aanay sidii loogu talo galay ugu dhaqmay ay dhinacayo badan uga ekaadeen dhibaatooyinkii dulsaarku lahaa ama ay ina haystaan dhibaatooyinkii uu keenayay dulsaarku waxaynu hoos ku xusi doonaa dhibaatooyinka dhaqaale ee dulsaarka iyo halka ay uga eeg yihiin hab dhaqanka banaanka Somaliland eek u shaqeeya nidaamka islaam ka ah:
DHIBAATOOYINKA DHAQAALE EE DULSAARKA:
CURYAAMINTA AWOODAHA QOFKA:
Dulsaarku qofka waxa uu keena inuu ka caajiso wax soosaarka iyo isku dayo inuu shaqeeyo, waayo qofku markuu lacag yar dhigto bangiga ee dulsaar u saaranyahay lacagtiisa, waxa ay ku dhalisaa inuu lacagtaa iska qaato sidaana waxa ku cadilma awoodahii qofku lahaa ee uu bulshada ku soo kordhin lahaa.
KOR U KAC QIIME:
Lacagta dulsaarka ah ee la saaro rasaamaalka waxay keenta inay ku kordho qiimaha agabka ama adeega lagu maal galiyey sidaa darteed markastoo uu kordho dulsaarku waxa sii kordha qiimaha adeega taasina waxay sababaysaa qiime barbar.
KALA FOGAANSHO HEERKA NOLOLEED EE BULSHADA AH:
Dulsaarka faaidadu wuxuu keena inay inyar oo bulshada ka mid ay gacanta u gasho xoolaha bulshadu intaas oo ah ku amaahda bixiya ee dulsaarka ka faa’ida.
HOOS U DHAC DHINACA MAALGASHIGA IYO WAX SOOSAARKA AH:
Dulsaarku waxa uu keena dadkii lacagta haystay inay ka baqaan inay maalgashadaan mashaariicada, tusaale ahaan hadii mashruuc maalgashiya, ay faa’iidada ka soo baxaysa lagu qadaro 4% lacagtii bangiga kuu taalayna uu kuu fuulayo dulsaar ah 3% dhamaan dadka lacagtu u taalo banaanka waxay lacagtooda ku haysanayaan baanka maadama aanay hubin inay faa’iidadaasi ka soo bixi doonta mashruuca iyo in kale, taasina waxay keenaysaa inaan wax mashaariica la maalgashan hadii maal gashigu yaraadona waxa imiya hoos u dhac dhinaca dhaqaale ah taasina waxay sii sababaysaa shaqo la’aanta oo korodha.
DHIBAATOOYINKA BAANANKA ISLAAMIGA AH EE SOMALILAND:
KOR U KAC QIIME:
Baanankeena islaamku iyagoo adeegsanaya tusaale ahaan habka MURAABAHADA, tusaale ahaan hadii aad doonayso inay kuu maal galiyaan gaadhi waxa shardi ah inay marka hore iyagu soo iibsadaaan gaadhiga oo ay la wareegaan lahaanshiisa, qiimaha la soo siiyayna la isla ogaado, markaa ka dib ay kaa iibiyaan gaadhigii iyo faa’iidona saaranaya.
Hadaba waxay ognahay qiimaha gaadhigu hargiesa ku yaalo inay ku jirto faa’iidadii qofka la soo dagay ama macradka la soo dagay marka hadaba baankii sii dulsaarto faiidadiisii waxa dhacaysa in qofkii ay culays ku tahay iyadoo taasi jirto ayaa waxa cad in faaiidada ay saaranayaan lagu qiyaasay 13% taasi waxay keenaysaa qiime aad kor u kaco
HOOS U DHAC DHINACA WAX SOOSAARKA IYO MAALGASHIGA AH:
Shuruudaha ku xidhan qofka loo maal galinayo agab ama adeeg e ayaa waxa lagu xidhaa inuu qofku keeno qof saami ku leh shirkada, ama qofk ganacsade wayn ah oo damaan kaa noqda ayaa waxay keentay in dad badan oo fikarado mudan maalgashi inay heli waayaan cid damiinata sidaa darteeedna uu wadankeena ku yaryahay maal gashigu.
KALA FOGAANSHAHA HEERKA NOLOLEED EE DADKA:
Shuradaaha lagu xidhay qofka maalgashi doonaya, ayaa waxay keensanayaan in dad yar oo ka ag dhaw ama garanaya saamilayadaa ama gacansatadaa waaweyn ay helaan maalgashi halka dadk intiisa badani ku dhaceen damiin la’aan taas oo keenaysa in hantidiiba gacanta u gasho ganacstada waaweyn iyo dadkii u dhawaaa
Gabogabadii dhibaatooyinkan ina haysta xal uma noqonayso inay aynu u doodno baananka ku shaqeeya nidaamka dulsaarka balse waxa meesha ka maqan doorkii dawlada oo ah inay hagto oo ay maamusho banaankan si ay dadka uga yaraadaan culayska saaran. Dhinaca kale waxa iyaduna ka maqan tartankii baananka islaamiga ah oo hadii ay bataan ay suurto gal tahay inay fududaadaan shuuradahaa culayska ku ah bulshada maalgashiga rabta
Qalinkii Muuse Daahir