Cabdiraxamaan Xoog waa nin afku xoogle ah , qabyaaldista ah oo la ordaayo xaalad abuur iyo isku dir beelaha Somaliland
Waxaan halkan ka salamaynaa bulshawaynta Somaliland oo u soo bandhigaynaa arrin ugub ku ah dhaqanka iyo Siyaasada Somaliland.
Salaan kadib, cuqaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo aqoonyahanka reer Alaybaday, waxa aynu cambaarayn xoogan u diraynaa xildhibaan ka tirsan Xisbiga Wadani oo ka hadlay hadal aan gayin reer Alaybaday iyo guud ahaan Somaliland.
Aflagada xoog ma wax issaga ku eg baa mise waa siyaasada jadiidka ah ee xisbiga Wadani?
Cabdiraxamaan Xoog waa nin afku xoogle ah , qabyaaldista ah oo la ordaayo xaalad abuur iyo isku dir beelaha Somaliland, Waxaa la ogaa berigii Dowaladii Rayaale in uu la baxay Baskoolad Barlamanka Gudihiisa issaga oo ku gafay Shurucda Waddanka gaar ahaan ta Baralamaanka.
Afxumada Xildhibaan xoog ee ku doodaya in uu Xisbiga wadani
uu yahay Qabiil issaga oo ku hadaaqaya in uu Wasiirka Cali Warancade Wadani yahay maadaama ay isku xaafad yihiin. Waxaan u sheegi lahayn in Nin waliba oo wasiir ah in uu xaafad ka tirsan yahay. Wasiir Samaale waa nin reer Allay baday ah , waa nin wajaala ah, waa nin reer gabiilay ah waa nin reer hargisa, waa nin qaran ah.
Cadalada masuulkan wadani , waxa ay ka dhigtay ninna wadani maadama uu xaafada ka tirsan yahay, nina waxa uu ka helay aflagaado maadamu uu ka soo jeedo Xaafad kale. Akhristow Warancade iyo Samale miyaanay ka tirsanahay Dowalda Somaliland , maxaa kala duway?
ALAAH MAHADA LEH
Gudida reer Alay baday ee London