HOR-DHAC:
Lixdankii xorriyadeenii, Calankii iyo Dowladeenii muquuno ayeynu u bixinay (wey luntay), shan iyo konton sanno (55 years) ka dib, qiimaha la soo noqoshadii innagu kacday waxay noqotay in aynu ku weynay Wixii ummaddu mood iyo nool ay lahayd ilaa laba-boqol oo sannadood. Waxaa kaloo ku naf waayey boqolaal kun oo mujaahid, boqolaal kale oo naafo ah, boqolaal Agoomo ah iyo boqolaal xiskoodu dhiman yahay oo suuqyadda meeraalaysanaya. Khalad-weyn iyo fashilaad siyaasadeed bay aheyd. Waxba ka-meynu faa’iideysan khaladkaa weyn ay galeen siyaasiyiinteenu 1960kii. Waxaa dhammaanteen innagu waajib ah, in aynaan mar kale si fudud u gelin khaladkii la galay 1960kii ee dad iyo duunyo lagu hoobtay.
Shacbiga Somaliland ee samirka badan ee Nabadda jecel wuxuu degel fadhi ahaa 25 sanno oy raasamaal cun ahaayeen. Dadku maalinba maalinta ka dambaysa ayey sii faqriyayaan. 1991kii inankii dhashay maanta waa Aabo, inan’tiina waa hooyo. Dawladda waxaynu u samaysanay in dadka iyo dalka loogu adeego iyo in xukuumaddu u horseedo ummadda hab-nololeed dhalin kara Nabad, Caddaalad, Shaqo iyo Horumar dhinac walba leh.
Ummaddu waxay xukuumadda cusub ka filaysay Isbeddel Nidaam (system) oo dhab ah, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho. Hebel- Hebel ku beddel xal maaha, waxa u baahan in la beddelo waa nidaamka qaloocday oo dhan min heer Tuulo, Degmo, Gobol ilaa heer Qaran.
Waxaynu dhisnay Qaranka S/land oo loo wada-dhan yahay oo xor ah, waa Qaran cusub oo xaqiiqadu siday tahay wax badan keligii qabsaday, iyadoo dhinac walba cadowgu ka curyaaminaayo. Waxaa xaqiiqo ah, oon murran ku jirin inay S/land 25kaa sanno ku tallaabsatay horumar weyn oo la taaban karo, tan iyo markii ay Qarannimadeeda la soo noqotay, 18 May, 1991kii.
Ilaa aynu gaadhno Yoolkeena ah in aynu ka helno Beesha Caalamka Aqoonsi caalami ah, Dhallinyaradeena shaqo u abuurno, Dadkeena macaluusha ka saarno, oynu dadkeena iyo Dalkeenaba horumar muuqda gaadhsiino fadhi inooma yaalo. Quluubta shacbigeenu waxay weli la ooyeysaa xasuusta xasuuqii Taliskii macangaga ahaa u gaystay. Reer YURUB (EU) weli may halmaamin dhibaatadii uu u geystay Dagaalkii Kowaad iyo kii labaad ee dhammaaday 1945. Haddaba siday ku halmaamaan reer S/land xasuuqii 1988 ee weli qoyan ee maalin walba lafaha xasuuqii daadku soo saaraayo. Kuwa ilaawa taariikhdooda waxaa lagu ciqaabaa in wixii ay soo marreen ee dhib ahaa mar labaad lagu celiyo!!!
“DADKA XOOLO MAAHEE, XAGGAAD UGU DURKAYSAAN”
Shaki kuma jiro in wakhti aad iyo aad u fara-badani inagaga lumay muran iyo khilaaf inaga marrin habaabiyey danteenii Guud iyo mustaqbalkii ummaddeena. Aqoonsiga Dowladdeena curdanka ah iyo mustaqbalka ummaddeenu maaha wax fudud ama nasasho leh, balse waa mid halgan adag oon joogsi lahayn u baahan. Cid ku canaanan mayo wixii awoodeena ka baxsan, laakiin wixii aynu qabsan karaynay ee aynu dayacnay. Ilaa iyo intaynu gaadhayno yoolkeena halgankeenu ma dhammaan doono.
Maxaynu Aqoonsiga uga baahanahay? Wax fara-badan ayaa ku xidhan Ictiraafka ama Aqoonsi aynu ka helno Beesha Caalamka. Haddii aynaan helin Aqoonsi buuxa, heli mayno arrimahan soo socda:
- AMAAHDA BAANKA ADUUNKA.
- AMAAHDA LACAGTA IMF-TA.
- DEEQAHA DAWLADAHA WAA WEYN IYO KUWA QANIGA AH.
- MAAL-GELIN LAGA HELO SHIRKADAHA IYO DAWLADAHA WAA WEYN.
- DEEQAHA WAXBARASHO IYO
- TABABARADA CAALAMIGA AH
Ma jirto cid ummaddeena ku khasbi-karta wax aanay rabin, balse si loo soo dedejiyo Aqoonsiga waa in wada-jir loogu hawl-galaa mucaarid iyo muxaafidba si loo soo dedejiyo Aqoonsiga S/land.
Waxay Ummadda S/Land si weyn oo aad u adag u doonayaan xaqa ay u leeyihiin sidii ay u heli-lahaayeen Aqoonsi Caalami ah oy ka helaan Beesha Caalamka. Waxay ummaddu muddo-dheer raadinayeen waa sharafta, karaamada iyo sinnaanta ay ummad-kastaa xaq u leedahay. Waa rabitaan dhab ah oon ka noqosho lahayn.
Waxaan hubaa oon aaminsanahay, marka aynu u adeegsanno si caqli-gal ah tamarteena oo dhan(Caqligeena, Xooggeena iyo Maalkeena) Ilaahayna aynu Tallo-saarano, cid kuu diidi kartaa in aynu guulaysano ma jirto.
Wadahadalkii Somaliland iyo Somalia wey fashilmeen. Yaa fashiliyey wadahadalkaas? Waxaa ka baxay wixii lagu heshiiyey Somalia! Waxay wadahadalkii joogsaday markii Somalia soo dirteen dad asal ahaan Somaliland ka soo jeeda. Sidaas ayey wadahadaladii ku fashilmeen oy Somalia ku fashilisay. Sidaas awgeed waa in la joojiyo wadahadaladaas waa wakhti lumis oo wax guul ah laga gaadhimaayo.
Allaa Mahad Leh
Guul iyo Midnimo
Prof. Ahmed Al-Azhari
Email: Somaliland_2013@hotmail.com