WAJAALE NEWS

Go,aankii Muuse Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo La Ogolaysiiyay Ganacsatada Shidaalka iyo Kuwa Kale Oo….

Hargeysa(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa ku guuleystey Qorshe ay iskula soo meel dhigeen in cadaadis adag la saaro Ganacsatada Shidaalka iyo kuwa kale in laga qaado talaabo dawladeed oo lagu amrayo in ay bixiyaan lacago lagu taageerayo ololaha Xisbiga Kulmiye taas oo loo aaneeyay in ay ka dhago adeygeen jabita agabka iyo Shidaalka, oo aaney qaadam amarkii Madaxweynaha .

 Arintan oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Hawlaha Guud Cali-Mareexaan iyo Wasiirka Duulista Cadaani, iyo Xubno kale.

Waxaanu Taliyaha Ciidanka Qaranku  Ismaaciil Maxamed Shaqale ku hanjabey  in uu Ciidanka kusoo fasaxayo Ganacsatada hadii aaney bixinin lacagta korsaarka ah ee Xisbiga Kulmiye lagu dardargalinayo lacagtaas oo qadarkeeda lagu sheegay Toban Milyan oo Dollar waxa qeyb kamid ah lasaarey Ganacstada Shidaalka halka shan milyan oo kalena lasaarey Ganacsatada Raashinka iyo Bagaashka oo iyagu ka dhago adeygay.

Sida ay xaqiijiyeen warar xogogaal ah oo kulankan goob joog ka ahaa waxa ay xuseen in kulankani ku qabsoomay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen Xubnahan aynu kor kusoo xusney taas oo ay Ganacsatada Shidaalku aqbaleen in ay bixiyaan Shan milyan oo dollar islamarkaana, aaney sameyn doonin wax qiimi dhimis ah oo ku sahabsan dhinaca Shidaalka haseyeeshee, waxa ay wararku intaa ku dareen in ay siweyn uga gaws qabsadeen Ganacsatada kale ee Raashinka dalka keena iyo agabka kaleba.

Talaabadan ayaa, walaac badan ku abuurtey qeybo badan oo kamid ah Ganacsatada Somaliland islamarkaana, ay ka qaateen sawir adag oo ka turjumaya in ay Awoodii Xukuumada Wadajir uga faa,ideysanayaan Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo koox kale oo la aragti ahi,oo ay kamid yihiin Wasiirada Madaxtooyada,Hawlaha Guud iyo Duulista (Cadaani)oo isagu hanjabaad iyo cagajugleyn fara badan u geystey Ganacsatada.

 

HARGEISA SOMALILAND

WAJAALE STAFF

Exit mobile version