HARGAYSA(Wajaalenews) Mareeyaha Wakaalada biyaha Ibraahim Siyaad ayaa xilka wakaalada biyaha haya mudo lix sano ku dhawaada mudadaasi uu xilka haya mareeyaha wakaalda biyaha hargaysa ayaa habayaraatee mar qudha ayna badhin hanti dharwka guud ee qaran oo xiligan bulshada reer somaliland quus ka joogta shaqadii ay qaranka u hayeen,
Habada mareeye ibraahim siyaad ayaa dhul balaadhan ka iibsaday xaafada shacab gaar ahaan kasoo horjeedka school oftomorow dhulkan ayaa sida ka muuqata sawirada wuxuu Albaabka hore dayrkiisu ka Xidhay guriga sheekhul balad hargaysa sheekh Maxamed farxiye Sheekh Ibraahim kaasi oo markii maareeye siyaad iibsaday uu awood dawladeed ku dayrtay, halka xukumada madaxwayne siilaanyo oo lagu tilmaamo xukuumadii musuqmaasuqa iyo cadaaladarada ayna waxba ka qaban cabashadii ilama sheekh ibraahim
Mareeyaha wakaalada biyaha ayaa sida aanu ka helnay dad wax ka ogaa iibkiisa ay noo sheegeen in uu dhulkan oo ah dhul danguud ah kuna yaala wajahada guriga sheekh Maxamed farxiye uu siisay qiime dhan 67000$ dollar Balse mar aanu mudo hore wax ka waydiinay in maareeye ibraahim dhul iyo guryo kale dhistay ayuu noogu jawaabay ‘anigu gurigaygii ayuunbaa ku jiraa mana jirto guri kale oo aan dhistay iyo dhul aan iibsadayba,
Mareeyaha wakaalada biyaha ayaa la sheegay in uu awooda iyo taageero hoose oo aan dadku dareemiN ka helo gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo xiligan Loo cumaamaday murashaxa Madaxwayne ee doorashada soo socota xisbiga kulmiye,
sidoo kale xogahan ayaa xusay mr Muuse dadka ku agdhaw u sheego in aanu ogolayn mareeyahan ka reer ahaan balse taasi ayaa noqotay mid raad gad ah kadib markii warar hoose xaqiijiyeen in uu xiliyo badan Oo muuse biixi xaaladu ku adkayd madaxtooyada khilaaf ka dhexeeyay u keenay dhaqaale buuran iyo xogo u lid ah oo uu ka helay xukuumada .
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM
WAJAALE STAFF