Hargeysa(W,N)Xukumada Somaliland ee Gaadhwadeenka ka yahay Mudane AXmed Siilaanyo ayaa Maalintii Shalay ahayd Qisaas Ku Fulisay Askar gacan Ku dhiiglayaan ahaaa oo Hore u Dilay taliyayaal kamida ahaa Ciidanka Qaranka Somaliland isla Markaan haystay Gobolo kamida somaliland Iyo Waliba Masuul kamida Xukumada.
Waxaana Ragan magacyadooda Iyo Taliyayaasha ay Dileen magacyadooda Iyo meelaha ay haysteenba ay ahaayeen sida
(1)Cabdirisaaq Maxamed Kheyre oo dilay Marxuun Aadam Guuleed Daahir taliyihii ciidanka birmadka boliiska ee Berbera,
(2)Cabdicasiis Saciid Warsame oo hore u toogtay taliyihii guutada 93aad ee ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka sanaag marxuun Baashe Cabdi Cali
(3)Cabdillahi Cabdi Cilmi, oo hore ugu dilay Hargeysa nin shicib ahaa oo magaciisu ahaa marxuun Cabdi Cismaan Cali Nano kana Mida ahaa Injineerada wasaarada caafimadka
(4)Cismaan Hirad Diiriye, oo hore ugu dilay gabolka Awdal sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo magaciisu ahaa Axmed weli.
Waa qisaastii labaad ee ay xukuumadu ku fuliso qaybo ka mid ah maxaabiista xabsiyada ugu xidhan kiisaska dilka ah ee ay gaystaan, waxaana muuqata in dilalka lagu koobay askartii laysay saraakiishoodii iyo nin shacab ah.