WAJAALE NEWS

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Go’aamo ka Soo Saartay La Xidhiidha Adkaynta Amniga Iyo Nabadgelyada Dalka.

WAR-SAXAAFADEED

Go’aamo ay soo saartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha JSL, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtoyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:

Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA

 

  1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:

 

Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:

  1. In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.
  2. Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisaGo Home Paper”  ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.
  3. Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.

 

  1. Muwaadiniinta Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:

Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

  1. Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
  2. Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),

 

Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:

  1. In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
  2. Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
  3. In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

 

  1. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:

 

 

 ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Exit mobile version