WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta Golaha wakiilada Horgeysay Odoroska Miisaaniyada 2016

Hargeysa (Wajaalenews)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan masuuliyiinta ugu sareeya  wasaaradaasi  ayaa maanta golaha wakiilada hor keentay odoroska miisaaniyada qaranka ee  2016kan si golaha wakiiladu u ansixiyo.

Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam waxaa ay sheegtay in miisaaniyadu sanadkan ay korodhay iyadoo xustay inaanay miisaaniyadu ka kordhin cashuuro la kordhiyay balse ay u korodhay nidaamka cashuur ururinta oo si fiican loo maamulay.

Wasiirk Samsam Cabdi Aadan oo Warbixin Golaha Ka Siisay odoroska miisaaniyada 2016 waxaa ay tidhi

“Cashuur lama kordhin, waxa ay sannadkan ku salaysan tahay waxa uun ay dabaqaysaa in cashuuraha barriga la kordhiyo iyo in lagu talo galo shanta biil ee idin horyaala waxa ku jira 5 milyan oo aanu World Banka aanu kala saxeexanay oo sanadkan cusub uun la soo daynayo iyo 7.2 oo iyana qolada ingiriiska ah ay bixinayso miisnayadu intaa ayay ku fadhidaa.

markaad eegtaan dhalinyaradda waxa aanu Iyana culayska saarnay in garoomo badan la sameeyo oo dhalinyaradu hesho meel ay ciyaaraha ku sameeyaan oo dakhli badan ugu jira, waxa Iyana sanadkan ka muuqatada Miisaniyada gobolada oo ay wasaarado badani ka dhisanayaan xarumo oo bajadka ku jirta waxa uu bajadku diirada daarayaa in madaxda dawladu ka muuqato gobolada sida ay gobolada qaar ka cawdaan in ay xafiisyo haysan ama aanay gaadiid haysan waxaananu sanadkan miisaniyada ku quoshaynay in qaabka ay gobolada wax u gaadhaan oo toos wax loo siiyo oo loogu diro.

 

waxa jirtay qaab kale oo inta uu isuduwaha wasaaradu yimaado uu halkan xarunta dhexe ee wasaaradda uu wax ka qaadan jiray taasina waanu badalaynaa waxa aanu ku talo galaynaa in gobolada ay toos wax u gaadhan waxa kale oo Iyana sanadkan aanu wax ka qabayanaynaa wadooyinka”

“ marka aanu soo ururiyo wasaaradda aanay waxba u kordhin ma jirto korodhkaasina maaha mid la iska kordhiyay ee waxa ku jira dhanka xeebaha 100 Askari oo loo qoray iyo tayayntooda ayaa ku jirta waxaanu doonaynaa in meelaha umada wax u taraya wax lagu kordhiyo waanu isla garanay qaabka ay wasaarad walba waxa ay soo qoratay saddex afar jeerbay nala fadhiistay oo ay oo aanu isla dhamaynay”

https://youtu.be/ncNr831yFs4

Odoroska miisaaniyada 2016ka ee maanta golaha wakiilada la horgeeyay ayaa waxaa miisaaniyada ka muuqday saddex urur oo ka mida ururada Arimaha Bulshada Somaliland.

Warbixintan ay saaka wasiirada maaliyada Somaliland soo bandhigtay ayaa waxaa ay miisaaniyada qaranku gaadhaysaa 295 milyan oo dollarka maraykan ah.

 

 

Exit mobile version