WAJAALE NEWS

UJEEDADA; Kullan Warbaahinta Somaliland Ku Yeelatay Hargeysa Oo Ay Kaga Tashadeen Shirkadda TELESOM Iyo Dhibatada Ay Ku Hayso Warbaahinta.

Hargeysa (Wajaalenews) kulan ballaadhan oo ay maanta saxaafadda Somaliland ku yeelatay magaaladda Hargeysa, ayaa lagu lafaguray dhibaatooyinka ay shirkaddaha isgadhsiintu ku hayaan saxafadda madaxa bannaan, gaar shirkadda Telesom.

Kulankan oo si qoto dheer loogaga hadlay addeegyada sharcidarrada ah ee ay shirkadda Telesom bulshada u sii dayso.

Kulankan oo ay dhammaan saxaafaddu meel cad ka istaagtay, isla markaana warmurtyeed ay soo saartay uu u dhigna sidsan:

War Murtiyeed

Madaxda hay’adaha Warbaahinta ayaa maanta kullan isugu yimid.

Ujeedada kullanku waxaa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada Telesom ku hayso warbaahinta.  Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.

Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.

Go’aamaddan.

    In Warbaahintu cadayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.

    In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.

    In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawlaga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo talaabooyinka lagaga gaashaamanayo.

    Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.

Shirka waxaa ka qayb-galay.

Madaxda ururka Warbaahinta Ee Solja.

 

Wargeyska Hubaal.

Wargeyska Saxafi

Wargeyska Geeska Afrika

Wargeyska Foore

 Wargeyska Jamhuuriya.

Wargeyska, Ogaal

Wargeyska Dawan

Wargeyska Warsugan

Wargeyska, Hubsad.

Wargeyska Waaheen

Wargeyska Somalilandtoday

Wargeyska Sahan

Wargeyska Himilo

Wargeyska Saxansaxo

Tv Horn Cable

Tv Bulsho

TV Space

Universal Tv

Kalsan TV

Somali Channel

Somsat Tv

Star Tv

Som News Tv

SBC TV

Exit mobile version