HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa mudadii ay joogatay wasaaradaas ku talaabsatay Waxyaabo Badan oo ku dayasho mudan Islamarkaana Muhiim u ah Baahiyaha Aas aasiga ah ee bulshada qaybaheeda kale duwan iyada oo ka samaysay adeegyo Horumarineed oo la taaban karo oo ay kamid yihiin dhiirigalinta bulshada ee arimaha horumarka, caawinta xarumaha Agoomaha, Daryeelka ciidamada amaanka ,taageerida dadka baahan, kor u qaadista dhismayaasha goobaha waxbarashada iyo waxqabadyo kale oo aanan ku soo koobin karin warbixintan.
Hadaba Mar Aanu waxka waydiinay Taliyaha Turbataariyada ee Madaarka Caasimada Hargaysa Mr Xuseen Axmed Xasan Mire (Qaws) Ayaa Ka Warbixiyay dhisme xafiis oo ay wasiirada maaliyadu udhistay ciidanka iyo goobo kale oo dib uhabayn ay ugu samaysay waxaana Yidhi!
“Runtii Ciidanka Tulbatariyada oo ah Ciidan Heegan u ah Shaqada Qaranka iyo sugida amniga, ilaalinta cashuuraha mudadii aan halkan joogay kolba waxaanu soo maranay marxalado kala duwan dhamaana waxanu kaga soo gudubnay dadaal iyo isku duubnaanta,
sida aad halkan ku aragto waxaa ka muuqda isbadal balaadhan oo ka hirgalay mudooyinkan waxana xusid mudan in isbadal iyo dhisme cusub lanoo dhisay iyo sidoo kale barande loo sameeyay hoolka ay dadku Alaabta kala baxaan markii hore dhib wayn ay naga haysatay oo dadka cadceed dartii aanay sugi karayn inta alaabahooda labaadhayo si loo hubiyo waxyaabaha dalka soo galaya.
Sidoo kale waxa taliyahu sheegay ” dhismahan cusub ee ciidanka oo ka kooban hal qol iyo barandahaa loo sameeyay holka iyo goob kale oo loogu talo galay in ay dadku ku nastaan kuna sugaan alaabahooda waxaa noo dhistay wasiirada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aanu uga mahadnaqayno kuna bogaadinayo.
Taliye Qaws oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxu yidhi mudo badan ayaan halkan joogay waxaana nagu soo maray dhowr wasiir oo Xilka wasaarada maaliyada soo qabtay wali may dhicin wasiir waxka qabtay baahiyaha ciidanta tulbataariyada waana wasiirad mudan in lagu daydo laguna bogaadiyo hawsha qaranka ee ay hiiganka ugu jirto iyo waxqabka muuqda ee ay ku talaabsatay Marwo Zamzam Cabdi Aadan Ayuu yidhi.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM