Buuggan oo uu qoray aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, magaciisuna yahay “100 tallaabo hore u qaad,“ ayaan jeclaystay inaan intii RABBi iga waafajiyo ka tilmaamo guud ahaan wanaagga iyo dhalliilaha iiga muuqda labadaba. Buug yarehanni waa buug noociisu ku cusub yahay guud ahaan dalka, waa buug dhiiri-galinneed aad iyo aad u soo jiidasho badan, muuqaalka jaldiga iyo magaca buugga marka aad isha ku dhufato, waxa aad dareemaysaa in awood qarsooni kuu jiidayso gudaha buugga.Haddaad gudaha buugga gasho tallaabooyin wax ku ool ah ayuu qoruhu buugga ku soo ururiyay. Waxa aan filayaa in dad badan ka faa’iidaysteen, waana tallaabooyin qofkii sidooda u raaca noloshiisa wax badan ka beddelaya.
Shakhsiyadda qoraa Maxamed Cali Bile; inkastoo aqoon-qofeed aanan u lahayn, waxa aan asaxaab ka nahay bar kulanka (facebook) inta badan waxa aan arkaa wacyi galin iyo waanooyin wax ku ool ah isagoo la wadaagaya dhallinyarta.Waxaa qoraalkiisa iiga baxay laba shay oo kala ah 1. inuu yahay qof xidhiidhka ku wanaagsan oo dad badan ku xidhan 2. Inuu yahay qof hurumarka jecel isla-markaa da’yarta hurumarkooda jecel. Xaasha, lagama yaabo inaan asaraar galiyo, Inuu waayo arag aqoon yahan ah yahay oo meelo badanna ka soo shaqeeyay.
Gefefka buuggan ku jira: Dhowr jaad gef qoraal ayaa ku jira buugga waxay se u badan yihiin qaar dhinaca higgaadda ah, haba ugu badnaato xarfaha labinlaabma’e. way jiraan gefef kale oo dhinaca Naxwaha ah,hasa yeeshee, sidaa uma sii badna. Buuggan haddaad haysato lambarka khaladka aan tilmaamay, bogga,tallaabada iyo meeriska si toos ah haddaad u tagto waxaa kuu muuqanaya gefka aan tilmaamay.
- FG. Maxamed Cali Bile oo kaliya si gaar ah uma bartilmaameedsan, qoraalkaygu waa u dhex qofkasta oo wax qora, buuggan kii iiga horreeyayna wuxuu ahaa ‘Hagar laawe,’ sidoo kale xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland 28 warqadood oo gef qoraalkooda aan ku tilmaamayo ayaan qoray, meelaha kale ee aan gef qoraalkooda wax ka sheegay waxaa ka mid ah; Telesom, Dahabshiil, Somcable iyo meelo kale oo badan. Ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahayna waa in dadku xil iska saaraan qoraalka Soomaliga sida ay qoraallada afafka kale’ba xilka iskaga saarayaan.
- Casharro aan lagu baran jaamacadda; jaldiga buugga ayuu qoruhu ku qoray, waxaa’se iga la habboonnayd inuu ka dhigo “Casharro aan lagu baran jaamacaddaha,” sababtuna waxa weeyaan dadka uu qoruhu buuggan ugu talo galay waa dad jaamacado kala geddisan ka soo baxay, wuxuuna qoraalka Maxamed Cali Bile u muuqdaa in uu tilmaamayo jaamacad la isla yaqaan.
- Buuggani ma leh tusmo: Buugta la qoro tusmadu waa u laf-dhabar waana fallaadhaha haga akhristaha una fududeeya in uu si sahlan u tago akhristuhu qodobka uu jeclaysto.
- Buuggani ma leh xigasho: Qoruhu waxa xigasho ah oo uu buuggiisa ku bixiyay ma jirto, haba-yaraatee, taa macneheeduna waa in qoruhu hal erayna ha ahaadee aanu meel kale ka helin, xataa buug uu akhriyay. Haddii dhammaan tallaabooyinkan uu qoruhu buugga ku soo ururiyay ay yihiin waayo aragnimo uu isagu soo tijaabiyay, taa lafteeda ma caddayn!
- Buuggani ma leh mahadnaq: Hal qofna ha ahaadee qoruhu cidna kuma mahaddin buuggan, waxaanay marag u noqonaysaa in aanu cidna ka talo galin buugga.
- Buuggani wuxuu ku bilaabayaa bogga 2aad : boggii 1aad mooyi meel uu maray.
- Iminka: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 10 aad
- Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 12 aad
- Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 13 aad
- Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 14 aad
- Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 15 aad
- Cusubyihiin: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 7 aad
- Wareysta: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 14 aad
- kaMaqnow:Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 2aad
- isbitaalada: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 6aad
- xanuunsanaya: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 11aad
- inad: Tallaabada 2aad bogga 6aad meeriska 2aad
- maqantihiin: Tallaabada 3aad bogga 7aad meeriska 19aad
- Qumanaan: Tallaabada 4aad bogga 8aad meeriska 10aad
- Ixtiraamaan; Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 14aad
- Duwantihiin: Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 15aad
- Guracan: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 7aad
- Badanyahay: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 8aad
- Adagtahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 3aad
- Falantahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 9aad
- Illaahayna: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 20aad
- Awoowadaa: Tallaabada 8aad bogga 12aad meeriska 14aad
- Aabahaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 3aad
- Walaaladaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 4aad
- Adeerada: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 15aad
- Arin: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 9aad
- Arinkuba: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 16aad
- Wadareed: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 2aad
- Qumantahay: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 13aad
- Arintaas: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 4aad
- Haboon: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 9aad
- Hadaladaada: Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 13aad
- Degantahay: Tallaabada 13aad bogga 18aad meeriska 7aad
- Xoogagaasi: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 3aad
- Xoreeyey: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 16aad
- Hadalada: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 11aad
- Niyadjabinaya: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 15aad
- Doqonimadu: Tallaabada 17aad bogga 22aad meeriska 2aad
- Awoodaadii: Tallaabada 19aad bogga 24aad meeriska 9aad
- Bedeli: Tallaabada 20aad bogga 25aad meeriska 2aad
- Arimahan: Tallaabada 25aad bogga 31aad meeriska 9aad
- Bedesho: Tallaabada 27aad bogga 33aad meeriska 4aad
- Haboon: Tallaabada 28aad bogga 34aad meeriska 1aad
- Arkaainuuwanaagsanyahay: Tallaabada 29aad bogga 35aad meeriska 4aad
- Labisto: Tallaabada 29aad bogga 4aad meeriska 2aad
- Kartidaadadadladalkaiyohadalka: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 2aad
- Aftahanimo: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 5aad
- Wajigaagaiyoindhahaaga: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 6aad
- Dhameeyo: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 12aad
- Talaabada: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 2aad
- Dhamayso: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 4aad
- ingiriisiga: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 1aad
- yaqaanaan: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 12aad
- Aduunku: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 13aad
- Joornaalo: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 8aad
- Xirfadaada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 12aad
- Cinwaanada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 16aad
- Amaaradeysto: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 3aad
- Fariimo: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 14aad
- Qoraaladaada: Tallaabada 45aad bogga 53aad meeriska 11aad
- Tababarada: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 2aad
- Shirarka: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 1aad
- Siminaarada: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska 8aad
- Kumanaan: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska11aad
- Badani: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 12aad
- Hab nololeedkooda: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 14aad
- Nolosho: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 1aad
- Isbedel: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 12aad
- Sahlanaanaysa: Tallaabada 53aad bogga 62aad meeriska 7aad