WAJAALE NEWS

Golaha wakiilada Somaliland oo Duuduubku Ansixiyay 14 Wasiir , Wasiiru Dawle Iyo ku xigeen oo Madaxwayne Siilaanyo Dhawaan Magacaabay.

Hargeysa (Wajaalenews)-Fadhigii maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa lagu Ansixiyay  Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Wasiiro ku xigeeno.

Fadhigan oo ay kasoo qayb galeen 56 mudane ayaa waxaa lagu Ansixiyay Afar iyo toban Wasiir oo madaxwaynuhu Dhawaan soo magacaabay kadib markii ay xilalkaasi iska casileen masuuliyiintii xilalkaasi hayay.

Xubnaha wasiirada saaka la Ansixiyay waxaa ku jiray  Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Cali Mareexaan, Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Dheere, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Shoompe, Wasiiru Dawlada Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, Wasiiru Dawlaha Xanaanada xoolaha Cabdirashiid Riyo Raac,  Wasiiru dawlaha deegaan Mudane Cabdisalaan iyo Wasiiro ku xigeeno.

Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyada ku ansixiyay 14 wasiir ee uu madaxwayne Siilaanyo dhawaan usoo magacaabay Xilalkaasi.

 

Exit mobile version