WAJAALE NEWS

Dowlada Jabuuti Oo Faysal Cali Waraabe Ugu Balanqaadey Milayiin Dollar Kana Sexeexday Inuu Ka Takhaluso Jamaal Cali Xuseen Kadib Markii Muuse Biixi Codsi Gaadhsiiyay.

Waxaana Xidhiidhinta Arintan ka Shaqeeyay Qaar kamid ah Ganacsatasda ukala dabqaada Djbouti iyo Somaliland sida Ganacasadaha Maxamed Aw Siciid Geedi oo la Sheegay in uu Nidar ku galayo in uu Madaxnimada Muuse Biixi hadii Dhiig ku baxayo uu Geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo.

Warar xogogaal ah oo ka imanaya Magaalada Djbouti ee Xarunta dalkaasi Jabuuti ayaa daaha ka rogey in Walaac badan soo food saarey Madaxweyne Geele iyo Xukuumadiisa kadib markii mudooyinkii u dambeeyay

Dawladaha Reer Galbeedku fiiro gaar ah isha ku saareen dhaqdhaqaaqa Dowlada iyo Maamulka dalka Jabuuti oo Shuraako fog la ah Ganacsato badan oo dalka Jabuuti kamid ah

Waxaanay  Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar  Xubno ka wakiil ahi  heshiis Siyaasi ah lasii galeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ay hada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uga dhameysay in loo dhiso Dowlada soo socota islamarkaana, uu hadhow magangalyo siiyo Ismaaciil Cumar Geele

waxaanay arimahani siweyn isku soo tareen kadib markii Madaxweyne Siilaanyo  ka badheedheen in ay garabka saaraan Muuse Biixi oo aan haysan kalsoonida Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye taas, oo la jiidhsiiyay awooda Xukuumada Xubnihii kale iyo kaatiriyiintii kaga awooda badnaa Kulmiye Golaha Dhexe.

Talaabadan ayaa sidoo kale dhinaca kale kusoo beegantey dhaqdhaqaaqyo badan oo iskaga dabqaadey Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi

kuwaas oo lagu muquuniyay Xubno katirsanaa Murashaxiintii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo rag badan oo Siyaasiyiin ah

waxaana maalmahan u dambeeyay soo baxay Socdaal uu dhawaan ku tagay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe mid kamid ah dalalka Afrikaanka socdaalkaas oo uu kusii marey Dalka Jabuuti islamarkaana, loogu sexeexay lacag dhan lix milyan oo lacagta Dollarka Mareykanka ah si uu khalkhal Siyaasadeed u galiyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo weerarka lagu qaadey xiligani qeyb ka yahay Masahaariicda Dowlada Jabuuti Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu balanqaadey in ay nidaam afduub iyo jiidhsiin ah ku saareyso Kursiga Talada dalka Somaliland.

 

Wariye Farxaan Maxamed Barkhad

born Germany

Exit mobile version