WAJAALE NEWS

Dawlada Eriteriya oo Kaalinta 3aad ka Gashey Dalalka Ugu Tabriibta Badan Afrika Iyo Xad Gudubyo Bini aadanimo Oo Lagu Eedeeyay Dalkaas.

Hargeysa (Wajaalenews)-Haayada xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty International, ayaa dawlada Eriteriya ku eedaysay in ay cadaadis ku hayso dhalinyarada sida xad dhaafka ah uga tahriibaysa dalkaasi kuwaasi oo beegsanaya wadamada reer Galbeedka.

Haayada Xuquuqal insaanku waxaa ay sheegtay in dhalinyaradani ay ka tahriibaan cadaadis xoogan oo ay kala kulmaan dawlada Eretariya taasi oo dhalinyaradani si khasab ugu tababarto ciidamada dalkaas.

Haayadu waxaa kale oo ay sheegtay in tabriibta tirada badan ee dhalinyartani ay sii kordhinayso dhibaatada qaxoontiga caalamka iyadoo sidoo kale xustay in wadamada reer galbeed ay kasoo horjeedaan qaxoontigan.

Warbixin ay haayada Amnesty International soo saartay  waxaa lagu sheegay in Eretariya ay tahay wadamada ugu horeeya ee ay ka tahriibaan qaxoontiga ugu badaan Afrika kuwaasi sifo sharci daro ah oo beegsada dalalka  Yurub.

Dalalka  Yurub ayay soo foodsaartay   caqabadaha qulqulka qaxootiga ee dunida oo dhan ka kala socda, Amnesty waxa ay sheegtay  in qaxootiga ay xuquuq u leeyihiin inay helaan badbaadin caalami ah,iyadoo ka digtay in qaxoontiga dib loogu celiyo dalalkoodii maadaama ay kala kulmi karaan mustaqbal xun iyo cadaadis siyaasadeed.

Dawlada Eretariya  oo ka hadashay warbixintan ayaa beenisay inay dalkeeda ka jiraan qoraalka warbixintan ku xusan iyadoo dawladaha caalamkana ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda horumarka ka Socda dalkaasi.

 

 

Exit mobile version