WAJAALE NEWS

DAAWO; Xisbiga Waddani Oo Abaabulka Dhacdadii Been Abuurka Ahayd Ee Gabiley Dusha U Saaray Xukumadda & Xisbiga Kulmiye Iyo Dawlada Hoose Gabiley.

Dhaqan-Xumada Iyo Dhalan-darrada Reer Gebilay Uma ay dhalan Ee Waxa Baday Xukuumaddan Abaalka Daran Ee Dhaqanka Suubban Iyo Akhlaaqiyaadka Diineedba Ka Arradan, BoobeYuusuf
Hargeysa(Wajaalenews) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in xukumaddu abaabushay mudaharaad ka dhan ah Waddani oo dhawaan ka dhacay magaalada Gabiley. Waxa uu xisbigu sheegayaa in xukumaddu hawlihii loo igmaday kaga mashquushay qarbudaada asxaabta oo ay sheegeen inay asxaabtu xaq u leedahay tagista halkay doonaan.

https://youtu.be/UfKVEFDtq_k

Hadal-haynta Xisbiga Waddani ee maalmahani waxay u badnayd Barnaamajkii Qabyada ahaa sidii loo qabyo-tiri lahaa annaga oo gude iyo dibadba ku baahinnay oo xataa Xisbiyada Mucaaradka ah gaadhsiinnay. Madaxtooyada iyo Xarumaha Xisbiga Kulmiyena hadal-hayntooda maalmahani waxay ahayd in ay ku guulaysteen in ay ey u xidhaan calanka Xisbiga Waddani.

Intaa waxa raacayay halkudhegyadii ay dadka lacagta ugu laabeen ee ahaa: “Waddani Gebilay ma iman karo iyo wax la mid ah.” Waxa hubanti ah in ay hawshaa galeen oo ay ka danbeeyeen saddexanka isku-raranta aan la mahadin ah ee Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gebilay. Dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayaa qorshayaashaa dhagareed lagu maal-gelinayay. Ceebtood ma aha ee waa caadadood. Daliilkeedu wuxu yahay: waxa beryo dhaweyd aynu marag iyo markhaatiba ka nahay xubno xukuumadda ka socday oo Wajaale daahir yaa shamis ka lahaa: “Tog-wajaale waanu jecel nahay oo waa halkii eyga calanka UDUB loogu xidhay.” Daliil kalena wuxu yahay ilaa maantadaa aynu joogno ma haynno dawlad dhexe, mid hoose, Kulmiye, Boolis, Maxkamad iyo cid kale oo arrintan ka fal-celisa.

Saddexda Xisbi meel wal oo dalka ahba waa ay tegi karaan, ka hadli karaan, iska sharrixi karaan. Waa xeer iyo xaagaan. Dalka, gobollada iyo degmooyinku uma xidhna Xisbiga Kulmiye. Farriimaha caynkan ah Madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye waxay ku hurinayaan dagaallo sokeeye oo dalka ka bilaabma doorashadana dib loogu rido. Farriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lgu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo’ oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba’do. Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.

Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran ee dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka arradan ee kiishkii Cawaale sheegay ee aan buuxsamayn sidata, kaas oo ilaa London dabadiisu joogto.

 

Exit mobile version