“..Nin [Siilaanyo] ka waayo-aragnimo yar [Daahir Rayaale] oo aanu dadku aqoon. Oo weliba Rajiimkii Kasoo horjeeday Halgankiisa [SNM] ahaa..”
Hargeysa(Wajaalenews)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee tallada haya Muuse Biixi Cabdi, ayaa Md. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ee Somaliland ku tilmaamay ama ku sifeeyey dadkii kasoo horjeeday halgankii Ururkii SNM, sidoo kale, 80-kii cod ee KULMIYE lagaga adkaaday doorashadii 2003-dii, waxa iyana Guddoomiyuhu ku fasiray arrin aan waxba ka jirin, hase-yeeshe ku surtagashay lexo-jeclo iyo tanaasulkii uu bixiyey Md. Axmed Siilaanyo. Sidaana waxa uu ku sheegay khudbad Salaasadii Todobaadkan uu ka jeediyey furitaanka shirweynaha shannaad ee golaha dhexe Xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale, weedhaha iyo kelmedahan xannafta badan ee kasoo yeedhay Musharraxa aan weli Toddoba bixin, ayaa ladhka iyo dareenada ka dhashay ka sekow, waxa dhawaaqa hadallada Guddoomiyuhu u dhaceen sidan; “…[Siilaanyo] Waxa u suntan, isagoo Xisbi Mu’caarid ah oo halgamaa ah, Ummadda oo dhami hiigsanayso, Heeso iyo Gabayo loo bixiyey. Nin ka waayo-aragnimo yar [Waa Daahir Rayaale] oo aan dadku aqoon. Oo weliba Rajiimkii [Waa Faqashta] ee Kasoo horjeeday Halgankiisii [Waa halgankii SNM] ahaa, ayaa yidhi 80-cod baan kaaga helay [Doorashadii 2003-dii]…’.
Weedhahan Gudoomiyihuu ugu wan-qalay Taajka Musharraxnimada ee loo cimaamaday, oo runtii xilligan aan afkiisa ku qurux badnayn sabaabo badan awgood. Waxa dadka siyaasadda ka hillaadiyaa ku miisaameen baaxada dhaawaca hadalkani ku keeni karo mid aan dhaymo lahayn, xattaa haddii uu isku dayo in dabiib loo helo.
Tusaale ahaan dadka araagtidan qabaa, waxa qaarkood qabaan in hadalka Gudoomiyuhuu uu ahaa mid uga soo baxay si ku talo-gal ah, metelaan marka la eeggo qaabka odhaahdiisu ku timi iyo ficilladii la socday, waxa ay ku tusayaan in dhawaqaasi ahaa mid aan golaha kaga dhalan oo gole-ka-fuul ah.
Geesta kale, waxa jira xubno aragti taa ka duwan qaba, oo iyagu intaa badan hadallada kasoo yeedha Gudoomiye Muuse u arka kuwo salka ku hayaa cadaawad fog oo uu hayo Bulshada reer Awdal, waxana dadka araagtidan aaminsani tusaale usoo qaatan hadal hadda ka hor Gudoomiyuhuu ku duray Beelaha Samaroon, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Beelaha Samaroon xilligii halgankii SNM ay la safnaayeen taliskii Siyaad Barre, halka beelaha Ciise la socdeen SNM-ta.
Si kastaba ha ahaatee, waxa is-weydiin mudan qaabka ama hanaanka Gudoomiye Muuse Bixii isku waafajin lahaa halladiisa daalacanta ah, damaciisu kursiga iyo xanaafaha ka raacay khilaafka salka ballaadhan ee soo wajahay Xisbiga uu xagaasha ku sito ee KULMIYE.
XIGASHO WARGAYSKA Yool