WAJAALE NEWS

Maxaa Kala Qabsadey Muuse Biixi iyo Askarigii Wajaale Raadse Maku Yeelaneysaa Doonistiisa Madaxweyne?

Masahlana in Taariikhdu aaney duug laheyn iyadoo Dunida hurumartey

lagu Xisaabtamo nin kasta oo la yimaada Damaca hogaaminta xilka

Madaxweyne ee qaran ama dal dhan waxa mar kasta dib loogu noqdaa

Taariikhdiisa hore,iyo sooyaalka uyaala xumaan iyo samaan wax kasta

iyo raad kasta oo uu soo marey taas oo intooda badan lagu qiimeeyo in

ay markhaati leedahay oo Bulshada iyo shacabka uu codka ka doonayaa ka

warhayaan arimaha la taaban karo ee sifeyn kara dabcigiisa iyo

dulqaadkiisa.

Hadaba markaan hoos ugu soo noqdo nuxurka qormadan aan kaga hadlayo

raadadka Muuse Biixi(Gudoomiyaha-Kulmiye),oo wakhtigan u taagan in uu

kamid noqdo raga ku loolamaya jagada Madaxweyne ee hogaaminta

Somaliland oo uu Xisbigiisa ka yahay Murashax fadaladiisu cadcad

yihiin oo Xukuumada iyo Ganacsato wataan ololihiisana awood iyo

dhaqaale ladaba joogaan ayaa,waxan halkan ugu soo qaadanayaa arimaha

loo baahan yahay in lagu sifeeyo dabeecadiisa iyo dulqaadka uu

leeyahay Qisadii kusoo dhex martey Magaalada Wajaale isaga iyo Askari

ilaalo ka ahaa Birta Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya

halkaas oo ay ka gudbayeen isaga (Muuse-Biixi)iyo Maxamed Kaahin

Axmed(kuxigeenkiisa) maalin maalmaha kamid ah iyadoo ay wadadaasi

dariiqa koowaad u yaqaanaan itoobiyaanku ay ka gudbayeen boqolaal qof

ayuu Askariga ilaalada ahaa oo kamid ahaa Ciidanka Booliska Wajaale si

edaab iyo akhlaaq leh ugu wargaliyey in ay soo maraan ragan

masuulyiinta ahi Xarunta Socdaalka Wajaale oo aan birta kaantaroolka

ka fogeyn kana soo eegeysa Geesta Bari halkaas oo Maxamed Kaahin

arintaasi iyo wargalinta Askariga si wanaagsan u waafaqey haseyeeshee,

Gudoomiye Muuse-Biixi gaashaanka u daruurey in Askarigu siiyo

wargalintaas taas oo aad uga cadheysiisey islamarkaana, soo wada

jeedisey dareenka dadkii shacbiga ahaa ee ka gudbayey xuduuda markii

ay islabuuqeen,,,,,, Askariga iyo Muuse-Biixi oo aad ugu hanjabaya

kuna dhawaaqaya sided noo joojin kartaa miyaanad nagaraneyn yaa ku

farey in aad na joojiso, waxa kaa gaadha hadaad arki weydo iyo hadalo

kulkulul oo hanjabaad iyo hadidaadba leh waxa xusid mudan dareenka

arintaasi uu ka bixiyey Mujaahid Maxamed Kaahin oo u caalwaayey in uu

Gudoomiyihiisa saaxiibkii Muuse-Biixi ku qanciyo in aanu Askarigaasi

wax khalad ah laheyn balse, uu u sheegay oo kaliya talaabo sharci ah

waajibna ay ku tahey in ay sii maraan laanta socdaalka Wajaale

maadaama ay u gudbayaan dalka itoobiya laakiin Gudoomiye Muuse-Biixi

marnaba kuma qancin hadalka Maxamed Kaahin iyo shacbiga faraha badan

ee kusoo xoomey oo dhamaantood layaaban cadhada Muuse waxaanay dareen

isku mid ah ka qabeen ladqabada Maxamed Kaahin iyo tacadiga ku dhacaya

Askariga waajibaadkiisa oo kaliya farey Gudoomiyaha Kulmiye waala

isugu yimid buuqii iyo cadhadii marba marka ka dambeysa kusii korodhey

Muuse, waxaanu ku adkeystey in aanu gudbeynin ilaa iyo inta la

taxaabayo Askarigaasi oo uu ku hubsanayo in Saldhiga lagu taxaabay

taas, oo ay kaga amar qaateen,kana aqbaleen Saraakiishii Booliska iyo

Socdaalku oo Askarigii Iid-Dheere lagu taxaabay Saldhiga Booliska

Wajaale si loogu raali galiyo oo uu ugu qaboobo mase qarsoomin inta

kaga cadhootey shakhsiyadiisa ee shacabkii wajaale iyo kuwii socotada

ahaa ee dhacdadaasi la kulmey.

 

Waxaanan qormadeydan kusoo koobayaa ma maalintaas oo kaliya ayay aheyd

oo Gudoomiye Muuse wargalinta Askariga si cuqdad ah u fahmey mise waa

ficilo ka dhaca inta badan oo qaar kalena looga soo joogay aan ku

gunaanado doonista Muuse ee hogaaminta qaranka iyo dhacdada soo kala

martey Askarigii Wajaale.

Qalinkii: Cabdiqaafi Axmed Xasan

Wajaale Somaliland

Cabdiqafar13@hotmail.com

Exit mobile version