|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Kala Qabsadey Muuse Biixi iyo Askarigii Wajaale Raadse Maku Yeelaneysaa Doonistiisa Madaxweyne?
November 1, 2015 - Written by Editor:Masahlana in Taariikhdu aaney duug laheyn iyadoo Dunida hurumartey lagu Xisaabtamo nin kasta oo la yimaada Damaca hogaaminta xilka Madaxweyne ee qaran ama dal dhan waxa mar kasta dib loogu noqdaa Taariikhdiisa hore,iyo sooyaalka uyaala xumaan iyo samaan wax kasta iyo raad kasta oo uu soo marey taas oo intooda badan lagu qiimeeyo in ay markhaati leedahay oo Bulshada iyo shacabka uu codka ka doonayaa ka warhayaan arimaha la taaban karo ee sifeyn kara dabcigiisa iyo dulqaadkiisa. Hadaba markaan hoos ugu soo noqdo nuxurka qormadan aan kaga hadlayo raadadka Muuse Biixi(Gudoomiyaha-Kulmiye),oo wakhtigan u taagan in uu kamid noqdo raga ku loolamaya jagada Madaxweyne ee hogaaminta Somaliland oo uu Xisbigiisa ka yahay Murashax fadaladiisu cadcad yihiin oo Xukuumada iyo Ganacsato wataan ololihiisana awood iyo dhaqaale ladaba joogaan ayaa,waxan halkan ugu soo qaadanayaa arimaha loo baahan yahay in lagu sifeeyo dabeecadiisa iyo dulqaadka uu leeyahay Qisadii kusoo dhex martey Magaalada Wajaale isaga iyo Askari ilaalo ka ahaa Birta Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo ay ka gudbayeen isaga (Muuse-Biixi)iyo Maxamed Kaahin Axmed(kuxigeenkiisa) maalin maalmaha kamid ah iyadoo ay wadadaasi dariiqa koowaad u yaqaanaan itoobiyaanku ay ka gudbayeen boqolaal qof ayuu Askariga ilaalada ahaa oo kamid ahaa Ciidanka Booliska Wajaale si edaab iyo akhlaaq leh ugu wargaliyey in ay soo maraan ragan masuulyiinta ahi Xarunta Socdaalka Wajaale oo aan birta kaantaroolka ka fogeyn kana soo eegeysa Geesta Bari halkaas oo Maxamed Kaahin arintaasi iyo wargalinta Askariga si wanaagsan u waafaqey haseyeeshee, Gudoomiye Muuse-Biixi gaashaanka u daruurey in Askarigu siiyo wargalintaas taas oo aad uga cadheysiisey islamarkaana, soo wada jeedisey dareenka dadkii shacbiga ahaa ee ka gudbayey xuduuda markii ay islabuuqeen,,,,,, Askariga iyo Muuse-Biixi oo aad ugu hanjabaya kuna dhawaaqaya sided noo joojin kartaa miyaanad nagaraneyn yaa ku farey in aad na joojiso, waxa kaa gaadha hadaad arki weydo iyo hadalo kulkulul oo hanjabaad iyo hadidaadba leh waxa xusid mudan dareenka arintaasi uu ka bixiyey Mujaahid Maxamed Kaahin oo u caalwaayey in uu Gudoomiyihiisa saaxiibkii Muuse-Biixi ku qanciyo in aanu Askarigaasi wax khalad ah laheyn balse, uu u sheegay oo kaliya talaabo sharci ah waajibna ay ku tahey in ay sii maraan laanta socdaalka Wajaale maadaama ay u gudbayaan dalka itoobiya laakiin Gudoomiye Muuse-Biixi marnaba kuma qancin hadalka Maxamed Kaahin iyo shacbiga faraha badan ee kusoo xoomey oo dhamaantood layaaban cadhada Muuse waxaanay dareen isku mid ah ka qabeen ladqabada Maxamed Kaahin iyo tacadiga ku dhacaya Askariga waajibaadkiisa oo kaliya farey Gudoomiyaha Kulmiye waala isugu yimid buuqii iyo cadhadii marba marka ka dambeysa kusii korodhey Muuse, waxaanu ku adkeystey in aanu gudbeynin ilaa iyo inta la taxaabayo Askarigaasi oo uu ku hubsanayo in Saldhiga lagu taxaabay taas, oo ay kaga amar qaateen,kana aqbaleen Saraakiishii Booliska iyo Socdaalku oo Askarigii Iid-Dheere lagu taxaabay Saldhiga Booliska Wajaale si loogu raali galiyo oo uu ugu qaboobo mase qarsoomin inta kaga cadhootey shakhsiyadiisa ee shacabkii wajaale iyo kuwii socotada ahaa ee dhacdadaasi la kulmey.
Waxaanan qormadeydan kusoo koobayaa ma maalintaas oo kaliya ayay aheyd oo Gudoomiye Muuse wargalinta Askariga si cuqdad ah u fahmey mise waa ficilo ka dhaca inta badan oo qaar kalena looga soo joogay aan ku gunaanado doonista Muuse ee hogaaminta qaranka iyo dhacdada soo kala martey Askarigii Wajaale. Qalinkii: Cabdiqaafi Axmed Xasan Wajaale Somaliland Cabdiqafar13@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|