WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Jaamacada ALPHA Oo Tacsi Udiray Qoyski Iyo Bahda Warbaahintaba Geeridii Marxuum AXMED XASAN CAWKE Oo Galabta Lagu Aasay MagaaladaTOG wajaale.

Inaalilaahi Wa Ina ilayhi Raajucuun.

Gudoomiyaha jaamacada ALPHA Mudane Abdirahman Mohamed Maal shaqaalaha, macalimiinta iyo dhamaan ardayda jaamacadu waxay ay ka tacsiyadaynayaan qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafada iyo dhamaan shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid weriyihii caanka ahaa Marxuum AXMED XASAN CAWKE 00 17.11.2014 ku geeriyooday magaalada jigjiga ee dalka Ethiopia. Maanta galinkii danbana lagu Aasay magaalada Tog wajaale

‘Runtii waxa inaga baxay  tiir wayn oo saxaafada iyo bulshada Somalilandba aad u tabi doonto, marxuumka waxaan ilaahay uuga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaan qoyska, qaraabada , asxaabta iyo ummada reer somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan inaga wada siiyo..

Aamiin………… Aamiin……………. Aamiin………….. Aamiin………… Aamiin……………. Aamiin

Exit mobile version