WAJAALE NEWS

Dawladda Ingiriiska Oo Joojisay Duulimaadyada Magaalada Sharma Shiikh Ee Dalka Masar

London(Wajaalenews)- Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameroon ayaa ku dhawaaqay in dawladiisa ay iska joojisay diyaaradihii uga tagi jiray magaalada loo dalxiiska tago ee ku taala dalka Masar ee Sharma Shiikh.

David Cameroon waxaa uu sheegay si loo illaaliyo amaanka muwaadiniintiisa doonaysa inay Sharma Shiikh ka tagaan in la joojiyay duulimaadyadii magaaladaasi ka tagi jiray.

Dadka u dhashay dalka Ingiriiska ee doonaya inay Masar ka laabtaan ayaa diyaarado ka raaci doona magaalada Qaahira ee caasimada ah.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa aaminsan in diyaaradii Rushka ee dhawaan ku dhacday dalka Masar ay suurto gal inuu ku dhacay bomb ay rideenka dagaalamayaal ka tirsan ururka Daacish oo Masar saldhig ku leh.

 

Exit mobile version