Hargysa,(Wajaalenews)-Dawlada Turiga ayaa aad uga cadhootay hadalo dhawaan ka soo yeedhay xukumadda Somaliland oo sheegaayay in dawlada Turigu ay wado qorshe ay ku mijaxaabinayso midnimada Somaliland, isla markaasina ay dhinac saarayso maamulka Muqdisho, taasi oo ay sidaasi ku baadi goobayso midnimo Somaliyeed.
Sidoo kale dawlada Turkiga ayaa aad uga gubatay hadal ka soo yeedhay xukumadda Somaliland oo sheegaaya in dawlada Turkigu ay xasuuqa ay ku hayso dadka Kurdishka ah ee dalkeeda doonaaya in ay xornimada ka qaataan oo kale ay la maagantahay Somaliland, waxana ay Somaliland sheegtay in si qaldan iyo albaab qaldan ay dawlada Turkigu doonayso in ay ka soo gasho wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya oo ayna daacad ka ahayn, sidaasi darteed xukumadda Somaliland waxa ay sheegtay in ay joojiyeen wada hadaladii ay dalka Turkigu wadeen oo ay doonayan in beesha caalmaku soo kala dhex gasho isla markaasina gogosha la balaadhiyo oo dalal kale soo galaan wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya.
Ergayga Somaliya u qaabilsan dalka Turiga oo shalay dalka yimid ayaa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay warqad cadho leh oo ka socota dawlada Turiga isla markaasina lagu sheegay in ay xukumadda Somaliland soo cadayso halka ay kula shirtay hogaamiye dhaqameedka Somaliland ama ay ka soo galisay wada hadaladii fashilmay.
Xiligani ayaa u muuqda in dawlada Turkigu ay ku dawakhday arimihii Somaliland iyo Somaliya, waxana abuurmay jawi aan mardanbe la is aamini doonin oo ay kala shakisanaan doonaan xukumadda Somaliland iyo dawlada Turkiga oo wax weyn ka tirsanysa Somaliland oo iyadii maanta rabta raaligalin buuxda.
Dhanka kale marka la eego xukumadda Turkishu daacad kama aha arimaha Somaliland iyo Somaliya marka laga hadlaayo u qaybinta mashaariicda ay ku soo ururisay qaadhaanka in ay wax ugu qaban doonto dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waxna kuu cad in dawlada Turkigu ay mashaariic badan oo wax ku ool ah ay ka fulisay magaalada Muqdisho xaga ayna hal mashruuc ka fulinin magaalooyinka Somaliland oo dhamaantood xasiloon oo u baahan adeegyo ka badan kuwa ay haystaan, sida cisbitaalo casri ah, wadooyin madaaro iyo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo uu dalku u baahnayahay waxana xukumadda Somaliland la gudboon in ay arimahaasi kala xisaabtanto.