“Saaxiibaday waxaanu ku balansanayn in marka la gaadho shirka golaha dhexe foodka meel lagu wado rido, imikana codka halkoodii baan ku ridayaa”Wasiir Cukuse
Hargeysa (Wajaalenews)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse islamarkaana kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay cida uu siinayo codka labada garabka ee ku loolamaya Xisbiga Kulmiye ee Isbahaysiga Musharaxiinta Iyo Garabka Musharax Muuse Biixi Cabdi Marka la gaadho shirwaynaha golaha dhexe ee Xisbigaasi oo lagu wado in la qabto 10 bishan.
https://youtu.be/Aph-0lT3MeI
Wasiir Cukuse waxaa kale oo uu sheegay inuu taageersanyahay isbahasiga musharixiinta Kulmiye isagoo xusay inuu wali raacsanyahay wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland balse uu madaxwayne Siilaanyo la shaqaynayo inta uu xilka Hayo