WAJAALE NEWS

DAAWO; Nuxurka Qodobo Garabka Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye kasoo Saareen Khilaaf iyo Shirwaynihii Xisbigaas + Magac Cusub Oo Ay La Baxeen.

Hargeysa (Wajaalenews)-Isbahaysiga Musharixiinta Qaadacay  Shirwaynihii Xisbiga Kulmiye ee lagu  Doortay musharaxa madaxwayne iyo Ku xigeen ayaa maanta soo saaray qodobo ay kusoo  ururiyeen khilaafka ka jira xisbigaaasi, kadib shirar doceedyo maalmihii ugu dambeeyay uga socday magaalada Hargeysa.

Isbahaysiga musharixiinta Kulmiye oo ka kooban Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Kijaandhe iyo masuuliyiintii iska casliay xukuumada Siilaanyo ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu xaaraan ahaa iyagoo musharixiinta kasoo baxayna ku sheegay  xaaraan, maadaama bay yidhaahdeen aan lagu dhaqmin xeerarka xisbiga.

https://youtu.be/SnauV9-_EYk

Isbahaysiga musharixiinta Kulmiye waxaa ay musharax Muuse Biixi iyo Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyeen inay jabiyeen xeerarkii Xisbiga Iyagoo sidoo kalena sheegay in shirkaasi uu ku dhacay sidii ay marka horeba ay u diideen inay ka qayb galaan. Isbahaysigu waxaa kale oo ay sheegeen inay sii wadayaan ku dagaalanka dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE  iyagoo carabka ku dhuftay  inay la dagaalamayaan eexda, Qabyaalada iyo Awood  maroorsi ay  sheegeen inay ka jirto Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale isbahaysiga Musharixiinta KULMIYE waxaa ay sheegeen in maanta kadib garabkaasi uu noqon doono “Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Xisbiga Kulmiye”.

Exit mobile version