Hargeysa(Wajaalenews) Musharax Cabdicasiis Samaale, ayaa si adag uga soo horjeestay shirka golaha dhexe ee la filayo inuu salaasada ka qabsoomo Hargeysa. Waxa uu sheegay in markii ay arkeen inaan talo la iswaydaarsanayn, islamarkaana aan la isku joojinayn ay goosteen inaanay ka qayb galin shirka soo socda.
Cabdicasiis Samaale wuxuu sheegay in dad badan oo tacab soo gashay xisbiga Kulmiye, haatan midba meel lagaga tagay, taasina ay dhaawici doonto mustaqbalka xisbiga Kulmiye. Wuxuu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo noqdeen hogaanka dalka haddii aanay la soo halgamin.
Wuxuu tilmaamay in hogaanka Kulmiye u muuqdo mid ka kaaftoomay taakulayntooda, balse ay iyagu muddo ku dadaalayeen si xor ah loo tartamo, islamarkaana cid kasta oo ku soo baxda tartanka hareeraha la iska taago.