WAJAALE NEWS

Xukuumada oo Wareejisay Haamihii Kaydka Shidaalka +Shaqalihii Haamaha Kaydka oo Shaqo Joojin Sameeyay iyo Xaaladihii u Dambeeyay ee Magaalada Berbera

Berbera (Wajaalenews)-Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland ayaa maanta wareejisay Haamaha kaydka Shidaalka Berbera.

Munaasibad lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera ayaa lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka Ganacsatadii xukuumadu la gashay heshiiska qarsoodiga ah ,munaasibadan oo saxaaafadu dibad jog ka ahayd ayaa la sheegayayaa inay goob joog ka ahaayeen wasiirka ku XIgeenka Ganacsiga, wasiirku xigeenka xanaanada iyo Xoolaha, badhasaabka Gobolka Saaxil, Mareeyaha Dekada Berbera , Maayirka Magaalada Berbera , Mareeyihii hore ee haamaha kaydka shidaalka iyo shirkadaha ganacsiga ee lagu wareejiyay maamulka haamaha shidaalka oo iyagu watay maareeye u maamula Haamaha kaydka Shidaalka Berbera.

Wareejinta haamaha shidaalka waxaa si wayn uga soo horjeestay bulshada ku nool gobolka Saaxil taasi oo sababtay in lagu xidhxidho wariyayaal iyo oday dhaqameed xukuumada sheegtay in ay kasoo horjeedaan wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera.

Xukuumada Somaliland ayaa ku adkaysatay go’aankii ay ku wareejinaysay haamaha kaydka Shidaalka Berbera kuwaasi oo muran wayn ka abuuray Golaha wakiilada Somaliland oo iyagu Cod aqlabiyada ku laalay wareejinta haamaha Kaydka Shidaalka, Balse xukuumada oo hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ayaaa dheg u dhigin mooshinka golaha wakiiladu ku laaleen wareejinta haamaha shidaalka Berbera.

Hase yeeshee, markii la wareejiyay haamaha shidaalka waxaa shaqo joojin sameeyay dhamaan shaqaalihii ka shaqaynayay haamaha kaydka shidaalka Berbera oo iyagu ku dacwoonayo cida ay u raacayaan dhaxalkii ay  ku lahaayeen Kaydka haamaha shidaalka maadaama xukuumada shirkado gaar ku wareejisay.

Xaalada magaalada Berbera ayaa la sheegayaa inay kacsantahay kadib markii saaka lagu warhelay haamihii kaydka shidaalka oo lagu wareejiyay shirkado gaara.

 

Exit mobile version