WAJAALE NEWS

Qaranka Somaliland Waligaa Ma Kula Hadlay? Haduuse Kuu Maah Maaho Wax Maku Qaadan Lahayd?.

Sadex Waan ku Hungoobay.

Hayaankii Waan Ku Hungoobay

Hebelo Waan ku Hungoobay

Hogaanka waan ku Hungaabay

 HARGAYSA(Wajaalenews) Qormo xiiso badan oo aynu ka helayno maahmaahyo dhinacyo badan taabanaya kuna taxaluqa  xaalado badan oo somaliland ka jira

Kabogo kana soo dhiibo firkirkaaga ,

Curintii ; ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley  Tell 4669910

MAAHMAAHYADA  SADEXAN.

Sadex waan u haraaday

Muwaadinimo dhaba waan u haraaday

Maamul wanaag waan u haraaaday

Musuqoon ka fogaado waan u haraaday

Sadex waa Burjigayga

Milatrigu waa burjigayga

Muruq maal iyo reer miyi waa burjigayga

Maatida iyo Miskiinku waa burjigayga

Sadex Waa Sharaftayda

Sharcigu waa sharaftayda

Shacabku waa sharaftayda

Shaqaaluhu waa sharaftayda

Sadex Waan ku Gumoobay

Suldaan Siyaasiya waan ku gumoobay

Siyaasi dhaqaale doona waan ku gumoobay

Suxufi Laaluush doona waan ku gumoobay

Sadex Aad Tacab Moodo

Lunsigood tacab moodo

Laaluushkood  tacab moodo

Loofarkood tacab moodo

Sadex Waa Hiigsigayga

Daartu waa higsigayga

Dalacaadu waa higsigayga

Doolarku waa higsigayga

Sadex Waa  Taladayda

Tacab la”aani  waa taladayda

Tamar daro waa Taladayda

Tawfiiq La”aani waa taladayda

Sadex Waan ku Hungoobay

Hayaankii waan ku hungoobay

Hebelo waan ku hungoobay

Hogaanka waan ku hungaabay

 

Afar waa sahay Aakhiro

Ducadu waa sahay aakhiro

Daacadu waa sahay Aakhiro

Digrigu waa sahay Aakhiro

Deeqsinimadu waa sahay Aakhiro

Sadex waan Dhugan Waayay

Waano waan dhugan waayay

Wacdi waan dhugan waayay

Warna  waan dhugan waayay

Sadex Waan Arkayaa

Tuugo sharafle waan arkayaa

Talo sheekh waan arkayaa

Tab shisheeyana waan arkayaa

Sadexbaa  isku  Eekaaday

Siyaasigii Suldaanbuu  u ekaaday

Suldaankii Siyaasibuu  u ekaaday

Suxufigii Siyaasibuu u ekaaday

Sadex waa wehelkaaga   

Wadanku waa wehelkaaga

Afka hooyo waa wehelkaaga

Nabadu waa wehelkaaga

Curintii; ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley

Tell  4669910

Exit mobile version