WAJAALE NEWS

Muuse Biixi Waxaan Xusuusinayaa Suldaan Xasan Inaanu Ahayn Suldaan Cabdale Siciid Samaystay E Waa Suldaankii Guud Ee Beesha Subeer Awal.

Muuse Biixi Cabdi faras wuxuu

Maanta marayaa halkii uugu liidatey ee

Qof siyaasad ku jiraa gaadho, waxa

Lala yaabsan yahay munaafaqada iyo ceebta uu ka dhex sameeyey nin

Bileysku dileen oo xukuumadu

Bixineysey magtii ninka la diley,

Muuse Biixi isagoo beryahanba daba jebinayey suladaanka guud ee beesha

Subeer Awa Suldaan Xasan Suldaan

Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan

Suldaan Diiriye wuxuu isku deyey inuu

Iska hor keeno reer Suldaan Diiriye

Hase yeeshee halkaa waxa kaga

Dhacday maradii uu sitey intaas ka dib

Waxaanu ognahay inuu muuse biixi ka

Xumaaday kana baqay in lagu canaanto qado sharafeed ay ku

Kulmeen labada Suldaan ee walaalaha

Ah,Suldaanka guud ee beesha Subeer

Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee

Beesha Habar yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani sidaa

Awgeed ayuu muuse biixi ku dhex

Dabaashay badweynta aanu iska

Hubsan, waxa intaas raacda xadhiga

Xaqdarada ee lagu xidhay Suldaan

Mawliid Cali Sabayse oo la sheegayo

Inuu muuse biixi ka codsaday kacaan

Beeleedka dalka haysta in loo xidho

Suldaan Mawliid Cali Sabayse sababta Suldaan Mawliid loo xidheyna wuxuu

Ka shaqeeyey kulanka labada Suldaan

Iyo wuxuu ka damqaday hab dhaqanka

Foosha xun ee kacaan beeleedku dalka ka wado gaar ahaana sida gaarka Beeshiisa loogu hayo,intaa hadaan ka Gudbo muuse biixi waxaan Xusuusinayaa Suldaan Xasan inaanu Ahayn Suldaan cabdale siciid Samaystay waa Suldaankii guud ee Beesha Subeer Awal markaa muuse

Ha iska samaysto mid isagu iskii u

Leeyahay.

 

MUJ CALI XARAARO’

Exit mobile version