WAJAALE NEWS

Ma Isagaa Gaadhi Kara!!!

Ammintu waa habeen,goor sheegtuna10:25daqiiqo ayey cago cagaynaysay.Wax aan marayey waddo kamid ah Waddooyinka xaafadda aan deganahay ee magaalada Hargiesa,xaggaas iyo gurigayaga oo waxoogaa ii jira baan u socday,hudheel lagu caweeyo  oo niman aannu saaxiibo nahay caways wadaag kulahayn baan ka immi. Dhaxan aad u daran baa kasoo  dhacaysa waqooyiga magaaladda badiba dadku guryahooda ayey hoosta kaga wada jiraan dhaxanta daran awgeed. Saxmad iyo sanqadha toonna majirto, isku socodka dadkuna wuu yar yahay,waxa aad mooddaa in ay  dhaxantu dhambaal udirtay  ah waan soodhacaye xarroodaay waa habeen qud car ah, galin hore ayuu cirku hillaabtay midab dugul ah, waxa aad mooddaa in ay xiddiguhu intoodii ka dhalaal iyo iftiin badan yihiin, mararka qaarkoodna waxaad arkaysa xiddigo aad moodo in gaar u caweynayaan oo intay kuwii kale dhinac isaga kooxaysteen samaysatay ururro. Dhaxantan daran ee magaalada kala seexisay waxan ahay bilaa koodh, oo dhaxanta qabawbaa i eryanaysa, jeebaddahana  gacmaha ayaan kula jiraa aniga oo ilkaha isla dhacaya, tallaabadana hoosta kaxadaya.Wadadu waa kaligay, haba yaaraate majirto cid igu wehelisaa  in muddo ah ba aniga  ayaa ku kaliyeystay dhex socdkeeda, cabbaar markaan socday een aannan wali gurigii gaadhin balse waxoogaa uu ii jiro ayaa waxa aan maqlay oo dhagayga kusoo dhacay  dabayshuna igusoo qaaday wax aad hadal moodo balse wuu go’ay oo istaagay  anigoon si wanaagsan uga  bogan  walina aan garwaaqsan waxa uu yahay. Shaydaanka ayaan iska naaray  waxanan isku qanciyey in ay dhagahayga tahay  socodkaygiina waan iskasii watay,ilayn waxan ahay nin dhaxan eryanayso oo maba haysto wakhti aan ku saxo ama kaga fikiro waxa uu yahay dhawr shay  oo kala duwan ayaa maskaxdayda hal mar ku kulmay oo aan midba mar meel ula kacay waxa isaaqay mawjado fikir ah oo isdaba socda.Mar waxan u qaatay in ay tahay dhabeel tuugi qabsatay oo ay kaga dhawaajisay wixii ay sida tayna kafara maroojisteen, waydayna cid ka qabta oo u gar gaarta dhaxanta dhacaysa ee dadka kala xaraysay awgeed, haddana waxa aan xasuusaty nin kamid ah dadka maskaxda ka jiran oo ku xidhanaan jiray markii iigu danbaysay guri iga xiga dhinaca  ay dabaysha iyo dhaxanta is wataa igagasoo dhacayaan. Balse ugu danbantii shaydaanka inta aan iska naaray ayaa waxa aan isku qanciyey in ay dhagahayga tahay socodkaygiina waan iskasii watay. In yar markaan socday baa waxa haddana dhagahayga kusoo dhacay isla hadalkii oo aad mooddo in uu kadhaw  yahay  in tii hore, kana awood iyo cod dheer yahay, waan yara istaagay socod kaygii xawaaraha ku socdayna waan hakiyey si aan u hubiyo ugana bogto hadalkan waxa uu yahay iyo xagga uu ka imanayo, gartay oo garawsaday in uu yahay hadal dad kaas oo i gasoo gaadhaya meel iga durugsan oo xagga iga horaysa ah, wali se umaan kala sarin rag iyo dumar ka uu yahay. Inyar markaan socday ee uu wali hadalku i sasoo tarayo marba marka kadanbysa ayaa waxan gartay oo aan garwaaqsaday inuu yahay cod rag, balse tiro ahaan intay leeg yihiin waxay ka doodayaan iyo goobta uu hadalku igaga imanayo , wali magaranin, hadalka oo ka awood badan intii hore kana dhaw  wali wuu isasoo tarayaa marba marka kadanbaysa waxa aanan gaadhay goobtii uu hadalku ka imanayey.Waa laba nin oo dhallin yaro ah, waxay fadhiyaan guri wayn oo la dhisayo hortiisa wadadana dhinaca midig kasaraan  irridiisuna ujeedo waqooyi, mid kood waxa uu ku fadhiyaa cawa amma  qadiifad qofba waa  siduu u yaqaanne ka kalena kartoon sibidh ka dhammaaday oo dug ah, waxoogaa qaad ah oo kalka gabaabsi ku dhawna way cunayaan,min xabbad sigaar ah ayaa u daaaran oo dhammaada ku dhaw haleel la’aan darteed. Dood aad u adag ayaa  dhextaal.Midna mid ma dhagaysanayo fursadna isma siinayaan, wayna iskasoo horjeedaan  .Intaas waxa u dheer labadan nin midkood  qufac afka iskuma qabanayo,oo xataa waxa uu gaadhayaa inuu naqaskuba qabto.Saaxiibkiisa ay fadhi wadaagga yihiin ee aan caqliga ku dhaammin, ayaa waxa uu ku cel celinyaa”waar malaha qaadkaad ku saxatee biyaha cab oo ixiixdheh.”.Dabadeedna inta uu biyihii yaraa ee horyaalay tiigsado ayuu qudh qudho dhinacyada jeegii qabsadaa.Markuu dhammaysto cabida biyaha, ma aamuso oo go,aan kama qaato hadalkii uu ku saxdee halkii ay u maraysay dooddu ayuu kasii ambaqaaddaa, waxa taas kasii daran saaxiibkiisan ay mirqaan wadaaga yihiin waxba uma sheegayo oo caqli kuma dhaamo. Labadoodaba waxa kaliya ee afkooda kasoo baxayaa waa hebel ma isaga gaadhi kara hebel.Cajiib yaabay oo idhi hebelkan jaan ee miskiinka gidaarka baas waa yihiisa lafadhiyaa ku hadaaqayo ee nafta kaqaaday muxuu ahaa?

mawalaalkiibaa?  masaxiibkiiba? Ma siyaasiyiinta aan lamahadin ee dadka waa laybaa? ee hadh iyo habeenba laga sheekaynayaa, ma  caaqiladan afku xoog la yaasha ah baa?, ma sheekhbaa koox deemed hoggaamiya? mise waa ciyaartoyda dunida ee ay dhallinta soomaalidu ka sheekayntooda caadaysteen? ma jilaaa filbaa? mooyiye muxuu ahaa?  maxaase adiga kaagalay?. dhawrkaas wayddiimood markii aan iswaydiiyey anoo isla mashquul san oo socodkaygii  sida xawliga ah aan kusocdayna uu marba marka danbaysa uu hakad sii galayo   dhagahana laraacayo waxa u dhexeeya labadan nin ee ay kadoodayaan,ayaa haddana waxa qufac bilaabay miskiinkii aan naftiisa u roonayn ee dhaxanta dhacaysaa aygidaar baaska madaw ayku qaaday,   oo haddana  naqasku kudhagay sidii ilame yaraan ay kix ama dhaxan ku heshay, saxiibkiisii aan cagli kudhaammin baa haddana ku yidhi: “waar cab biyaha oo ixiix dheh.” ma biyo aan lagu aamusayn oo aan tartiib iyo sicaqli ku jiro  loo cabayn baa nafku galin? ayaan hoosta ka idhi,  anoo meel aan sidaas uga fogayn taagan oo la ama kaag san waxa miskiinkan xiijiyey naftana kasaaray ayuu haddana bilaabay dood-mirqaantii aan isaga caafimaadkiisa waxba ugu fil nayn,  hadalkiina halkii kasii waday, saaxiibkii oo aad moodo inuu kolka soo  dareemayo dhibaatadan iyo maala yacanigan ay ku doodayaan ee dhaxanta darani aygidaarka kuqaaday baa waxa uu ku yidhi: “saaxiib hebel baad nagu dawikhisee haddaba nagadaa waatan naftu kaa baxdee,intaas markii ay afkiisa kasoo baxday baa kii kale ee qufacayey oo aad mooddo in uu qufacii kayara go’ay oo uu nafiifsaday/nafisay halkan kasoo booday oo yidhi:“mayee saaxiib tan iyo caawa waxad nagu dawikhisay oo aad is bar bar dhigysaa laba fanaan oo sinayn,  isku cod ahayn, isku style ahyn miyaanad arrag waxa uu isku darasday sifooyin aan fanaaniinta intooda badani lahay amabase ka leh uu yar yahay.Waa mulaxam oo  laxanka ayuu saaraa  cid ku gaadhaysaa ma jirto, musikada ayuu tumaa iyo waliba erayada oo uu sameeyo,Bal codka Hebal iyo heesihiisa u fiirso saaxiib waaxaa bad mooddaa in ay heesihiisu  adiga kugu socdaan oo uu meel bukta kuu dhayayo, “kolka aan heesihiisa dhagaysto waxan dhex mushaaxa xusuuso hore iyo jacayladii waayo waayo, waxan muquuurta majado dhacdooyin ah oo aan kusoo dhaafay tagtadii,mararka qaarkoodna waxaabay naftu ku odhanaysaa kuba seexo”.Dhagaha hebel dhagaystaa waligood dhukay magalo, waanu kuu culayaa, waliba waxa aad mooddaa dirka mucaashiqiinta ee aan foolaadka hore kaga jiro in loogu tallo galay baad mooddaa”. kii kale ayaa isna ku yidhi: “saxiib wax weyn ha inagaga dhigine fanaankan aad sheegayso waa laga yara wanaagsan yahay uunne wax kale maaha inagaa daa.Cajiib amakaag iyo yaab, markay intaas afkiisa kasoo baxday isagoo isla saxsan  waxan naftayda su,aalay,ilaa caawa ma waxan ay naftu kaga baxday mafanaanbaa? oo talow ma u ogyahy?, mooyiye maxaa ogaysiiyey, madookhiisunbaa tusay inuu sidan ugu xiiqo, mise miskiin kan waxaba haleelay oo laab tiisa degay jacayl baaskii ragga u darnaa oo heesaha uu qaado fanaankan uu u doodayaa, isaga micno gaara ah bay uleeyihiin oo il buu isaga gartay si uu ugu xasuusto midii qalbigiisa degtay mahadhadana ku reebtay ee looga waab sameeyey. intaas oo eray markaan iswaydiiyey ayaa saaxiibkii kuyidhi: “iska aamus haddaba  oo meesha inaga kici wataas dhaxantu ina qaadee.hebel na waxba inooo tari maaye  kaskeenna daranbaa kobtaas ina dhigee, meesha inaga mari,waayahee inamari ayuu isna kuyidhi sidiibayna isku raaceen. isaga oo aan wali si qumman ugu qanac sanayn ayuu yidhi waa yahee saaxiib u qirdee in uu yahay fanaanka qarniga cid gaadhaana aanay jirin.

Qalinkii Muxiyadiin Jaamac Xirsi

Eimail:Muhyadinjama777@gmail.com

Tell: 063414923

Exit mobile version