WAJAALE NEWS

Madaxweyne SIILAANYO Oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Dib-U-Dejinta

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:    Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta)

 

ALLAA MAHAD LEH
Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Exit mobile version