Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaan jiray uguna awood badanaa, boqorku wuxuu lahaa fikradu badan oo uu ku soo kordhiyey shuruucda iyo qawaaniintii dajisnaa ee la isku xukumi jiray, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsanaa oo midho dhala, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun, mid ka mid ahayd fikradaha boqorkaasi waxay ahayd inay goob fagaare ah ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaalada, oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay sameynin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba wixii natiijada nasiibkoodaasi ugaga soo baxa, inkastoo fikradaasi dadka qaar ay ka soo horjeedeen in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana fagaarahaasi waxa si waajir ah u iman jiray dhamaan dadka oo dhan.
Boqorku munaasabadaas wuxuu ku soo fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay kursi loogu tallo-gala, waxa kale oo amarada uu bixiyo astaan u ahayd inuu furmo allbaab ka hooseeya, kasoo horjeedkiisana waxa kale oo ku soo beegnaa oo ku soo yaalay laba Allbaab oo kala durugsan, iskuna eeg, hoostiisana waxa laba albaab oo kale oo kala durugsan iskuna eekaa.
Marka la hor keeno eedaysanaha fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada waxa la kala dooran siin jiray inuu furto albaabada ku yaala garoonkaas mid ka mid ah oo uu raali ka yahay wixii ugaga soo baxa, haddii uu diidana inuu talaabsadana, qof ka mid ah maxkamada ayaa u kaxeyn jiray isla markaana horgeyn jiray albaabadaasi mid ka mid oo uu raali ka yahay inuu furro, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla markiiba si dhakhso ah ayuu ugu soo boodi jiray una kala goosan jiray, taasina waxay ahayd mid ciqaab loogaga dhigi jiray xad-gudub koodii, qaraarkan oo ahaa mid lagu fuliyo waa kuwa lagu tuhunsan yahay danbiga lagu soo eedeeyey, waxaana loo saaraa dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keenta ilmada badan, wakhtiyada dal-dalaada ee dadka xadhiga qoorta loo galiyo, taasoo ka mid ah dariiqooyinka hoyga aakhiro loo marree, haddana dadka qiireysani aad bay u weynayn jireen una xurmeyn jireen in ay arrintaasi tahay cadaalada dariiqada dhimashada dhalin-yarro iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu eeday-sanahaasane uu furro albaabada mid ka mid ah ee uu doortay, waxa ugaga soo baxa gabadh, isla-markaana waxa xoog ku kaxeeya haween, isla-markaana si deg-deg ah ayaa loogu meheriyaa, taasna waxa lagu sharfaa kuwa daacada ah ee aan wax-ba galabsan, manaha tani mid mushkilad ku keenta waa haddiiba uu leeyahay oori amaba qoysba, xitaa haddii uu gabadh kale uu la guursan doono, boqorku arritaasi kumuu xidhi jirin ogolaansho, manaanu fara-galin jirin wixii la ogol yahay ee ciqaabta abaal marinteeda ahayd, ka dib waxa furma Albaabka ka hooseeya boqorka, waxaana ka soo baxa nin wadaad ah, hobolo, qoob-kaciyaaro iyo durbaan-tumeyaal, isla markaana si deg-deg ah ayaa la iskugu meheriyaa innantii iyo innankii, waxaana lagu soo dhaweeyaa dhawaaqa dawanka iyo cod-farxadeed, dadkuna waxay ku dhawaaqaan dhawaaq farxadeed, ninkii daacada ahaana wuxuu gurigiisii u sii kaxeystaa gabadhii cusbayd, oo caruur la sii raaciyey ay sii sagootinayaan iyagoo ubaxyo qubaaya raadkiisa dariiqa uu sii socdo, tani waxay ka mid ahayd qaabka uu boqorku u fulin jiray cadaalada, waana sidii qumaneyd ee isaga ugula muuqatay cadaalada.
Qofka eedaysanaha albaabka uu raalida ku yahay ayuun buu furan jiray isagoon garaneyn albaabka gabadha qarsooni ay ku jirto, isla-markaana ogeyn in daqiiqadaha ku xiga in la dili doona ama uu guursan doono.
Boqorku wuxuu siyaabo kala duwan uu u jeclaa Inan uu dhalay oo aad u qurux badnayd, oo haddii ay dadkoo dhan iyo inantiisaasi ay noqoto wuxuu ka doorbidi jiray inantiisa oo uu aad u jeclaa, inkastoo ay amiiradaasina ay qarsoodi ah u jeclayd wiil dhalin yaro ah oo lahaa muuqaal- wanaagsan iyo halyeyada dhulka ee faro ku tiriska ah ee aan ka dhalan qoysaska ugu mudan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ogaaday boqorku inuu xidhiidhka ka dhexeeya inantiisa iyo wiilkaasi, ka dibna xabsiga ayuu u taxaabay, waxaana la horkeenay sidii qaalibka ahayd fagaarihii carwada sooyaalka cadaalada taasoo ahayd muhiim dhacdadaas, sababtoo ah, waxay ahayd arrin uguba oo aan hore loo arkin in la jeclaado ina-boqor, waxaanu ku balan qaaday inuu ciqaabi doono xitaa haddii uu nasiib u hello albaabka saxda ah.
Mar-kaliyaata ayey dadka indhahoodii halac-sadeen wiilka dhererka iyo qurux-badan ee aan naxdintu ka muuqanin, waxaanu u muuqday mid rajeynaya inuu la kulmi doono dhawaaqa ogolaanshaha ee dareenka xiisada badani ku duugan tahay, inkastoo dadka qaar aanay ogeyn in ninkan dhalin yarada ahi uu la noolaa qoyska reer boqor, may ahayn wax lala yaabo in amiiradu jeclaato, balse shayga-mushkilada ku ahaa isaga waxay ahayd, maxaad halkaas kugu kalifay inaad ahaato.
Wiil dhallinta ahaa markii uu soo galay garoonkii weynaa ee fagaaraha carwada sooyaalka cadaalada dadweynaha, waxaanu u soo leexday dhankii boqorku uu fadhiyey, laakiinse, haba yaraatee muu filaneynin inuu meesha fadhiyo taliyihii weynaa, waxaanay Indhaha wiilku ku jihays-naayeen amiirada, taasoo dhanka midigta ah ka fadhiday aabaheed, laga bilaabo tan iyo illaa maalintii la go’aansaay in lagu soo oogo jaceylkeeda, inay tahay mid lagu gaadhay inay noqon doonto go’aan fagaare, waxay isku qancisay in aanay wax-dhibaato ah lahayn laakiinse, ay tani noqon doonto dhacdo taariikhiya.
Amiiradu waxay lahayd awood dabiicya oo fur-furan taasoo qof-kasta oo aan hore u arkin ay ku abuur-mayso ashqaraar iyo xiisa badan inuu hayo, waxa kale oo ay ogeyd gabadhu waxa ay noqon doonto, ama ay tahay gabadha loogu jecel yahay boqortooyada.
Inkastoo Amiiradu ay necbeyd gabadha aamusan ee albaabka ka danbeysa iyo sidoo kale inay sii dhex marto xariiqda safafka dhaadheer ee ay ku sii yaalaan dhiigagii awoowyaasheedii naxariis darada lagu dila, haddana waxaynu eegi doonaa qaabkii ay u wada-xidhiidheen Wiilka iyo Amiiradu.
Gacaliyaheedu wuxuu u soo jeedsaday si uu u arko amiiraada, isla markiiba, haday indhahoodii is qabteenba, waxay ulla muuqatay sidii uu hore ugu arkaayey in ay tahay rajada kaliyaata ee uu ay guushu ka soo dhismi karto Amiirada, isla-markaana ay si ruuxiyana ay u dabooli karto, uguna guulaysan karto hadii ay siiso guusha, ka dibna, waxa si kadis ah loo weydiiyey su’aashii ahay, “Waa kee ? Xitaa iyadda laftigeeda waxa u cadeyd haddii uu ka qayliyo halka uu taagan yahay wakhti ka luma mooyaane aanay wax-ba aanay u tarayn.
Intuu jeestay ayuu si adag oo deg-deg ah u talaabsaday, intii uu sii socdayna wadnaha kastaaba wuxuu joojiyay garaacii, sanqaha neeftuna way yaraatay, ill kastaana waxay ku dheegag-tay wiilkaasi, ka dib markii uu hor joogsaday mid ka mid ah albaabkii uu raalida ka ahaa, wuxuu jaleecay dhankii Amiirada fadhiday, waxaanay amiiradii markiiba gacanteedii ay saartay madaxeedii, wiilkiina si deg-deg ah ayuu ugaga dhaqaaqay albaabkii uu hortaagnaa, ka dibna, wuxuu hor joogsaday albaabkii labaad, waxaanay si deg-deg ah haddana ay u dhaqaajisay gacanteedii isla-markaana ay saartay wajigeedii, dabadeedna waxay gacanteedii si qun-yar ah gacanteedii mar-kale u dhaqaajisay dhanka midigta ah, qofna muu dareemin manaanu arag, gacaliyaheeda mooyaane, dhamaan indhaha dadkoo dhaminana waxay ku sii foog-naayeen wiilka fagaarahaasi ku sugnaa.
Haddaba, waxay is weydiintu tahay oo aan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharaf lihi inay ka jawaabaan: Ma Shabeelkiibaa ka soo baxay albaabkii mise Gabadhii?
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti