WAJAALE NEWS

Loolanka Murashixiinta Xisbiga Kulmiye oo Galay Waji Cusub Iyo Gudoomiyaha Xisbiga oo Bilaabay Bixinta kaadhadhka Golaha Dhexe+Dareenka Murashixiinta.

khilaafka Xisbiga kulmiye Oo Galay  Waji Cusub iyo Saamaynta Uu ku Yeelan karo Qaranimada Somaliland?

HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Gadhwadeenka ka yahay iyo Xisbigeeda ayaa la kowsaday muran iyo hirdan ka dhexeeya hogaanka xisbiga iyo xubno kamida golaha Wasiirada, baarlamaanka dhamaana kawada tirsan xisbi xaakimka Kulmiye,

Khilaafka iyo isqabqabsiga xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa ayaa  Noqday mid aan dhamaad lahayn Marba marka ka danbaysanaya sii galaya hirar cusub oo u muuqda mid gabi ahaanba khatar  ku ah jiritaanka qaranimada somaliland,

Loolanka iyo iskooxaysiga xukumada siilaanyo ayaa xiligan maraya halkii ugu Adkayd waxaa aad warbaahinta iyo goobaha bulshadu ku kulanto ku arkaysaa Wasiiro wasiiro dhaleecaynaya, xubno xildhibaano ah oo isku kulmiye ah oo  weerar afka ah isku qaadaya waxa kale oo iyana muuqata Hogaanka xisbiga laftiisa isla sidaasi isku haya.

Dhamaan dhacdooyinkaa iyo murankaa baahsan ee la kowsaday xukuumada siilaanyo ayaa hada u muuqda mid gabi ahaanba  xukuumada kaga mashquusay shaqadadeedii Una baahan in iyagii xilka hayay loo kala gurmado

Waxa kale oo xusid mudan xaaladaha ka jira gobolka AWDAL IYO SAAXIL ayaan gabi ahaanba wax ficila amaba masuuliyad ka saaran tahay uga hadal madaxwayne kuxigeenka dalka ahna kusimaha inaanu gabi ahaanba ka hadal waxaa ka dhacaya Gobolada dalka qaarkod siiba gobolka uu saylici kasoo jeedo oo xiligan bulshadiisu marayso in ay ku dhawaaqaanba ereyo lidku ah qaranimada somaliland kuwaasi oo Ay keentay Cadaalad daro ay tirsanayaan dhamaana umuuqda ficilo kasoo fulaya Madaxwayne kuxigeenka oo kasban kari waayay bulshadii dooratay.

Cabdiraxmaan Saylici oo xiligan ah ku simaha madaxwaynaha ayaa la shegay in uu xaladaha dalka kaga mashquulay sidii u ilaashan lahaa booska kuxigeenka ah oo lafilayo in hirdan adagi ka dhaco.

Sidoo kale Gobolka Saaxil ayaa waxa isna maalmihii udanbeeyay ka jirta xaalad keenatay in ay duurka galaan dhalinyaro diidan habka ay xukuumada siilaanyo u boobayso hantidii qaranka siiba gobolka saaxil oo u muuqda mid xukuumada siilaanyo doonayso in ay wada xaraasho khayraadkiisa lana siiyo cid kamida qoyska madaxwayne siilaanyo.

dhanka kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi ayaa xiligan bilaabay wargalinta ergada golaha dhexe ee qaadasha kaadhka codbixinta taasi oo aanay wali ka fadhiisan gudidii fulinta loona saarin cid qaabilsan balse u muuqata awoodaha hirdanka iyo kala cidhiidhsiga pawerkii madaxwaynaha oo isagu  umuuqda mid la bililiqaystay.

sidoo kale waxaa lafilayaa murashixiinta gudoomiyaha kula loolamaya murashaxnimadu in ay si adag uga hadlaan talaabada uu gudoomiye muuse qaaday oo hadii ay suuurto gasho  madasha tartanka ka dhigaysa mid cid gaarihi maamulato kana tagaysa tartan saxa.

Si kastaba ha ahaatee hirdanka kulmiye ayaa laga cabsi qabaan in uu horseedo burbur xoogan oo saameeya qaranimada somaliland taasi oo ay warwar xoogan ka qabaan bulshadu cawaaqib xumada ka dhalan karta.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version