WAJAALE NEWS

Hadalkii Madaxwayne Siilaanyo Ee Tartanka Xisbiga Kulmiye Oo falaadh ku Noqday Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Qorshe Uu Maanta La Tagay Qasriga Madaxtooyada Oo Uu Waji Gabax Kala Kulmay.

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Ayaa shalay Dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay wadamada Emaratka iyo England ,Irland isagoo kulamo wax ku oolana lasoo qaatay madaxda dalka Irland iyo jaaliyada Somaliland ee Dalka Engiriiska.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Caasimada Hargaysa oo ay si baaladhan ugu soo dhaweeyeen Garabyada Xisbiga Kulmiye ku loolamaya Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka oo u kala socday laba garab.

Madaxwayne Siilaanyo oo laga sugayay waxa uu ka yidhaa loolanka Xisbiga Kulmiye ayaa ku dhawaaqay in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa lagu tartami doono dhinacyada oo tartanku yahay mid Diqmuqraadiya cid gaarana aanu u xidhnayn,

Hadaba dhawaaqa Madaxwayne Siilaanyo ayaa faaladh ku noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi oo ah xubnaha ugu cad cad ee ku hawlan Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye aaminsana in aan lagula tartamin isagoo mudo badana ku hawlanaa sidii looga reebi lahaa siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin e hungurigu ka hayo.

Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi ayaa dhibsaday dhawaaqa Madaxwaynaha yaa maanta wuxu Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Marwada Madaxwayanaha somaliland Aamina Maxamuud jirde (Aamina Waris).

Sida ilo xogogaal oo ka helayno kulanka gudoomiye Muuse Biixi iyo Marwada manta ku dhexmaray madaxtooyada ayaa daarnaa cabasho uu ka tirsanayay dhawaaqii Madaxwaynaha ee shalay Madaxwaynuhu ku banaaneeyay tartanka Xisbiga Kulmiye

Sida uu noo xaqiijiyay goobjooge ku sugnaa madasha kulanka ayaa sheegay in Marwada Madaxwaynaha Aamina Waris ku dooday in arinta Xisbiga uu Madaxwaynuhu fagaare ka sheegay sidaa daraadeed aanay jirin wax kale oo xiligan laga yidhaa loona baahan yahay in gudoomiye Muuse ku kalsoonaado tartanka Xisbiga dhexdiisa.

Sidoo kale Marwo AAMINA WARIS ayaa la sheegay in ay Gudoomiyha usoo jeedisay in uu joojiyo Abaabulkan Shirarkan Qabyaaladaysan iyo Madaxdhaqameedkan la sheegay in uu ku hawlan yahay abaabulkooda kuwaasi oo Beesha Subeer Awalka matalaya qorshohooguna daaran yahay sidii Madaxwayanha looga codsan lahaa in uu Gudoomiyaha Xisbiga dhiso kana reebo Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee la tartamaya.

Si kastaba ha ahaatee kulanka Gudoomiyaha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la,aan iyadoo la filayo in Mdaxwayne siilaanyo maalinta bari ah kulan la yeelanayo Gudida fulinta ee Xisbiga Kulmiye si uu u galo xaajoodo sidii loo hagi lahaa shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo sidii gudi dhexdhexaada loogu magacaabi lahaa tartanka adag ee dhexmari doona Murashixiinta Xisbiga

Dhawaan ayay ahayd markii ay ka biyo diideen aqlabiyada golaha fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyo Murashixiin diidan sida uu wax uwado Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi oo isaga laftiisu ah murashax.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

 

Exit mobile version