WAJAALE NEWS

Golaha Wasiirada Cusub Ee Ethiopia Oo La Shaaciyay Iyo Waxyaabaha Ku Cusub.

ADDIS ABABA(Wajaalenews)- Ra’isulwasaare Hailemaraim Desalegn ayaa ku dhawaaqay gollaha wasiirada ee xukuumadiisa cusub. Xubnaha maanta la magaacabay ayaa u badan wasiiro ama siyaasin dawladii hore ka mid ahaa.

Waxaayabaha ugubka ah waxaa ugu horeeya tirda wasiirada oo tii hore ka badan maadama wasaarado hore la kala jabiyey kuwo cusubna la magaacabay. Ra’isulwasaaraha ayaa magaacabay 26 wasiir iyo jagooyin u dhigma wasiiro.

Wasiirka ugu caansan ee jagadiisii waayey waxaa weeye Sufiyaan Axmad oo ahaa wasiirkii maaliyada iyo dhaqaalaha. Ninkan ayaa 23-kii sano ee la soo dhaafay jagaaoyin kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii EPRDF. Waxaa lagu badalay Cabdulcasiis Maxamad oo ahaa madaxweynihii hore ee Oromiya.

Kassa Tekleberhan ayaa loo magaacabay wasaarada arrimha kililada iyo hourumarinta xoolo-dhaqatada. Wasaaradan ayaa inta badan si dadban u xukunta 4-ta kilil ee dib-u-dhacsan kuwaas oo kala ah: Soomaalida, Canfarta, Gambeellaha iyo Binshangulka. Wasiirka ayaa lagu tilmaama dadka aadka u daneeya la dagaalnka musuqa iyo dawladnim-xumida.

Ridwaan Xuseen oo horey u ahaa afhayeenka dawlada ayaa loo magacaabay wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada, halka Getechew Reda loo magaacabay booskii hore ee Ridwaan kaaso ahaa madaxa xafiiska dhanka xidhiidhka ee dawlada. Wasaarada biyaha iyo waraabka ayaa loo magaacabay wasiir cusub oo lagu magaacabo Motuma Meqassa.

Haweenay ka soo jeeda gobolka Canfarta oo lagu magacaabo Eng. Caasha Maxamad ayaa loo magaacabay wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka.

Waxaa sheegid mudan, in C/fatax sh Cabdullahi oo ahaa wasiirka kaliya ee qoomiyada  Soomaalida matala oo ku jiro wasiirada jagooyinkoodii loo daayey.

QAYBSIGA QOOMIYADAHA

Qoomiyada Oromada oo ah ta ugu badan dalka ayaa heshay 9 xubnood oo wasiirada ka mid ah, halka qoomiyada Axmaaradu gudoontay 7 wasiir. Qoomiyada Tigreega ayaa iyaduna qayb u heshay 4 wasiir. Qoomiyadaha ku bahoobay shucuubta koonfureed ayaa iyagana loo qoondeeyey 7 wasiir oo uu ku jiro ra’isulwasaaruhu.

Qoomiyado ay ka mid yihiin Canfarta iyo Soomaalidu ayaa min hal wasiir lagu khaarajiyey.

Dhismaha dawlada ayaa lagu soo xidhayaa magaacibada wasiiro-dawlyaasha oo la filayo in lagu dhawaaqo maalinta barri ah. Waxaa kale oo iyada la dhawrayaa in madax badan dhanka diblamaasiyada loo duwo.

Docda kale, shabakada wararka ee Deeganka.com ayaa ka shanqadhisay in madaxweynaha DDSI, Cabdi Cumar, oo ka mid noqon  liiska wasiiro-ku-xigeenada la filayo. shabakada ayaa warkeeda ku saleysay ilo lagu kalsoon yahay oo aan la magac dhabin.

Siyaasada DDSI ayaan ahayn mid deggan tan iyo intii khilaafku soo kala dhaxgalay sanadkii hore xisbiga talada DDSI haya.

Waxaa jira warbxino sheegaya in dawlada dhaxe ayna ku qancin sidii loo maamulay khilaafkii xisbiga iyo dhismaha xukuumada eega jirta oo si degdeg ah oo sharciga baalmarsan loo dhisay. Khilaafka ayaa dhaliyey in siyaasin iyo shaqaale badan u haajiraan caasimada Itoobiya iyo Dirdhabe.

Wararka aan ke heleyo Addis Ababa ayaa tibaaxaya in dhismaha dawladu raad ku yeealn karto kililo uu ku jiro Ismaamulka Soomaalidu.

Wasiirada cusub ee cadaalada iyo arrimaha federaalka ayaa laga yaaba in ay dadrgaliyaan cabashooyin badan oo siyaasin iyo dadweyne ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne Cabdi ay horey u soo gudbiyeen. Haddii arintani saas u dhacdo waxaa ay saameyn xoog leh ku yeealan karta siyaasada iyo nolosha DDSI oo sanadkii u dambyeye ku jiray xaalad qalfsan oo aan deganeyn.

Guud ahaan shacabka DDSI ayaa u hanqal-taagaya isbadal ay ku diirsadaan iyaga oo indhaha ku haya dhismaha xukuumada islamarkaana miisamaya jahada ay xukuumadu u dhaqaaqi doonto iyo saamaynta ay ku reebi karto

 

 

Exit mobile version