WAJAALE NEWS

Ganacsade maxamed Xabashi Oo Ka Mid Ah Ganacsatada Gabiley Oo Taageeray Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera

xabashi

Ganacsade Maxamaed Cabdilaahi Bookh Oo Ku Magac dheer Maxamed Xabashi ayaa Xukuumada somaliland ku taageeeray wareejinta haamaha shidaalka ganacsade maxamed ayaa dhanbaalka uu ku taageerayo wareejinta haamaha shidaalka waxuu u dhignaa sidan:
anigoo ah ganacsade maxamed cabdilaahi bookh waxaan xumuukada madaxweyne somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo ku taageerayaa in shirkado lagu wareejiyo haamaha shidaalka berbera taasi oo aan macnaheedu ahayn in la siiyay balse waa qayb ka mid ah horumarka dalka ka socda in haamaha lagu wareejiyo shirkado maalgashada isla markaana dayac tira waxaanan dadka arintaa haamaha ka hadla u soo jeedinayaa amase u sheegayaa xukuumadan madaxweyne siilaanyo waa xukuumadii horumarka haamahana waa wax fiican in dad maalgahada lagu wareejiyo ee xukuumada ha la is barbar taago hana lagu taageero horumarka ay dalka ka wado.
anagu ganacsato ahaana anigoo ka mid ah ganacsatada ka ganacsata shidaalka ee kaalmaha leh aad ayaanu u taageersanahay talaabadaa horumarka leh ee xukuumadu qaaday ee ay haamahii sidaalka ee berbera ku wareejisay shirkadaha gaarka loo leeyahay taasina wax wanaagsan mooyaane waxba inaga xumayn maayaan
wa bilaahi tawfiiq
maxamed cabdilaahi bookh
Gabiley

Exit mobile version