WAJAALE NEWS

Fadeexado Dibada Uga Soo Baxay Casuumad Gudoomiye Muuse Biixi u Sameeyay Xubno Ka Mida Golaha Dhexe Ee Beesha Subeer Awal Iyo Siday Uga Biyo Diideen Masuuliyiin La Soo Marin Habaabiyay.

GUDOOMIYE MUUSE BIIXI MA JINI BOQORBAA ? MISE WAA KALIDII TALIYE KU RAAXAYSTA KARAAMO DHACA IYO KALA QAYBSANAANTA XISBIGA KULMIYE?.

HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo Maalintii Muuse Biixi Cabdi loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaa Xisbi Xaakimka Kulmiye hadheeyay Hogaan xumo Khilaaf soo noqnoqda Kala qayb sanaan iyo Jaho wareer Sumcadii Xisbiga Kulmiye ka dhigtay mid Gumoobay Haduu ku sii adkaysto Damacan indho la”aanta ahna uu Xisbigii Kulmiye Saaxada Siyaasada ka bixi doono Sidii Xisbigii Udub ku hadhi Eedaymahaa culus waxaan marag cad uga dhigayaa Muuse Biixi Maalintii loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee lagu sharfay in aan lala Tartamin oo kooto loo xidhay Xisbigii Bulsho Waynta S/land ka dhexeeyay waxuu la soo baxay hab dhaqankii Kalidii Taliska iyo Jini Boqorka ahaa ee hore loogu yaqaanay Afartan dharaarood ka dibna waxuu laalay Wada Tashigii Xisbiga Kulmiye waxuuna Dhagaha ka furaystay in uu ku dhaqmo Xeer hoosaadkii  Isagoo la soo baxay Damacii qaawanaa ee Maskaxdiisa ka guuxayay waxaanu ku Dhawaaqay in uu yahay Murashaxa Xisbiga Kulmiye waxaanu soo samaystay Astaanta Murashaxa iyadoo aan la gaadhin waqtigii Sharcigu fasaxayay Komishanka Doorashooyinkana Fasixin intaa kumuu Joogine waxuu soo Abaabulay Budhcad Magaalo iyo Kooxo Qaraxa Fudud ee Shaanida loo yaqaano ku Argagax galisa Xasiloonida Caasimada S/land ee Hargaysa

Sidoo kale waxuu Gudoomiye Muuse Biixi Weedho aan tudhaal lahayn oo dhaawacaya Sumcada Siyaasada Arimaha Dibada ee Qaranka S/land ku leeyahay Wadamada Jaarka iyo Beesha Caalamka ugu hal celiyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamad Warancade Isagoo Gudoomiye Muuse Biixi Tilmaamay in Argagixisadii Dalka aynu Jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Qaraxyada Dhimashada keenay ka fulisay gaadhay hadii aanu

Gudoomiye Muuse Biixi waxuu si Sharciga Xisbiga Baalmarsan uga Faro Maroojiyay Shantii Xubnood ee Shir Gudoonka ka ahaa Shirwaynihii Xisbiga Kulmiye ee u danbeeyay waxaanu soo saaray Liis Golaha Dhexe ah oo khilaafsan Liiskii Shir Gudoonka Shirwaynuhu soo saaray

Gudoomiye Muuse Biixi waxuu ka Badheedhay in ay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xixbiga Kulmiye uu Hayb hayb Qabiil u kala Fadhiisiyo Balse waxaa Xusid Mudan in Maalintii Shalay uu ku Hungoobay kulan uu la yeelan lahaa Xubnaha Golaha Dhexe ka soo jeeda Beesha Habar Awal uu ka Qabsoomi lahaa Hutelka Grean Blaza iyadoo Wararku Sheegayaan in ay ka Biyo Diideen in ay Gudoomiye Muuse Biixi ku Raacaan Fikirada Guran ee Karaamadii Xisbiga Kulmiye Dilaya waxaanay wararku sheegayaan in Shan Toban Xubnood ka soo Xaadireen kulankaa Hadhimo Sharafeedka ahaa Halka Qadadii ay Calaf u noqotay Taageerayaasha Qalad iyo Saxba ku raaca Gudoomiye Muuse Biixi.

Sidookale waxaa casuumadii dibada uga Soo baxay xubno lagu soo casuumay marka hore in laga wada hadlayo arimo u gaara oo Beesha Habar Awal balse markii ay arkeen in qorshuhu yahay shirqool ujeedadiisu tahay in gudoomiye Muuse lagu taageero Dibada uga soo baxay Masuuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro, Maareeyayaal Hayado Madax Banaan ayay Warar lagu kalsoon yahay noo Xaqiijiyiin in ay ka Cadhoodeen Qaabka Gudoomiye Muuse Biixi ula dhaqmay

Isku soo wada duubuu Gudoomiye Muuse Biixi ayaa u eg Murashax Kalsooni daro badani ka muuqato oo ka rajo dhigay in uu kasbado Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye .

 

WARIYE; CABDIRISAAQ MAXAMED CABDILAAHI

 

 

Exit mobile version