WAJAALE NEWS

Dhaq-dhaqaaq Xogaan Oo Lagaga Soo Horjeedo,In Haamaha Shidaalka Lagu Wareejiyo Shirkado Macaash Doon Ah Oo Laga Dareemaayo Magaalada Berbera. ‘

Berbera(Wajaalenews)-Dhaqdhaqaaq Xogaan oo lagaga Soo horjeedo in Haamaha Shidaalka Berbera lagu Wareejiyo Shirkado Macaash doon ah ayaa Sacadihii u dambeeyey ka socda Xarunta Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera, Waxaana Jira Shirar Doceedyo ay yeelanayaan Mujaahidiinta iyo Waxgaradka Magaalada Berbera,shirarkaasi oo lagaga Arrinsanayo Sidii loo hor istaagi lahaa,qorshaha Madhaleyska ah ee Xukumada Silaanyo Doonayso inay Maamulka Haamaha Shirkado ugu Wareejiso

Waxaana Habeenkii Xaley Shir Labo Gesood ahi Ku Dhexmarey Guriga Madaxtooyada Berbera Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi Iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle oo dhinac ah iyo odayaal iyo Mujaahidin kasocda Degaanka oo ka Soo horjeeda in Haamaha Shidaalka Berbera loo gacangaliyey Koox Macaash doon ah, Waxaana Wararka Kulankaasi naga Soo gaadhayaa Sheegayaan,in Wasiirkuxigeenku Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi uu ku Gacanseydhay,Dalabkii Mujaahidiintu u Soo Jeediyeen ee ahaa inaan Xukumadu Wareejin Haamaha Shidaalka Berbera oo qorsheysanaa in la wareejiyo 5.oct.2015,

waxaanu Sida La sheegay,Wasiir Cali Maxamed Cilmi(Cali gadheer)ugu hanjabey Mujaahidiinta inay Faraha kala baxaan,Shaqada iyo Hawlaha Xukumada,haddii kale ay Ciqaab Mudan doonaan, Taasina waxay ka Cadheysiisay Mujaahidiintii iyo Waxgaradkii kulankaasi ka qayb galey oo Qaarkood ay Faro Saari gaadheen wasiirka,waxaanu Shirkaasi aakhirkii noqday mid burbura oo Natiijo is afgarwaaya ku dhamaada.

Waxaana ilaa Xaley intii Kulankaasi Burburey Mujaahidiinta iyo Waxgaradka Degaanka Berbera, ee ka soo horjeeda Arrinta Wareejinta haamaha Shidaalka Berbera ee Xukumadu Dabada ka Riixeyso,ay yeelanayeen Shirar iyo Diyaar garow ay kaga hortagayaan,Mashruuca dhaxal wareejinta Hamaha Shidaalka Berbera ,Waxaana labada Wado ee Soo gala Magaalada Berbera iyo Degaanada ku Teedsan laga Dareemayaa Dhaqdhaqaaq Hubeysan oo la filayo in Nabadgalyada dhawacaan,Taasi oo hadii aan Xukumadu ka noqon Mashruuca Wareejinta Haamaha Waxyeeli karta Xasiloonida iyo Deganaanshaha,islamarkaana Burbur inoo horseedi karta

 

Xigasho Mandheera.com

Exit mobile version