WAJAALE NEWS

Daawo: Suxufiyad Rasaasi Ku Dhacday Iyadoo Si Toos Ah Hawada Ugu Jirta Oo War Diraysa

Suxufiyadan oo lagu magacaabo, Nibal Farsakh ayaa xabadu ka cuskatay

Ramallah, (WN/Agencies):- Suxufiyad ka tirsan telefishanka Roya ee dalka Jordan laga leeyahay, ayaa ku dhaawacantay rasaas ciidamada Israel ku ridayeen dad mudaharaadayay oo Falastiiniyiin ah, waxaanay suxufiyadani dhaawacu haleelay wakhti si toos ah hawada looga daawanayay oo ay war ka diraysay goobta rabshaduhu ka dhacayeen ee magaalada Ramallah.

Suxufiyadan oo lagu magacaabo, Nibal Farsakh ayaa xabadu ka cuskatay gacanta, waxaana deg deg loo geeyay cusbitaal goobta ka dhawaa, halkaas oo lagu dawaynayo, waxaana maamulka telefishanka ay ka shaqaysaa warbaahinta u sheegeen in xaaladeedu wanaagsan tahay.

 

 

 

Exit mobile version