Daawo: 6-dii Fooq Ee Ugu Caansanaa Caasimadda Scotland Ee Glasgow Oo La Dumiyay Markii Ay Nidaamka Magaalada Dhibaato Noqdeen
Wariye:
Glasgow, (WJN):- Lix fooq oo caan ka ahaa magaalada caasimadda u ah gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska ayaa dhulka lala simay, ka dib markii ay khilaafeen qorshaha nidaamka magaalada, waxaana fooqyadan oo loo yaqaanay, taawarada Glasgow, dumintoodu ka danbaysay nidaamka horumarinta caasimadda oo ay la jaan qaadi kari waayeen.
Fooqyadan oo la dhisay sanadihii lixdamaadkii ayaa loogu talo galay in lagu yareeyo dhibaatada guryaha ee dadka ku dhaqan Glasgow, hasa yeeshee waxa ay khilaafeen nidaamka horumarinta ka dibna waa lagu dumiyay in kasta oo qarxintoodu adkaatay.