Hargeysa(Wajaalenews)-Arbacadii dorraad oo Bishuna ahayd 21-ka Oktoober Sannadka 2015-ka, waxa Lix iyo Afartan Sanno (46 Years) laga joogaa markii talada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay koox kula wareegeen koox Saraakiil ah, oo iyagu markaa ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga dalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo waqtigaa dhul ahaan xukumi jirtay Somaliland iyo Gobolkii koonfureed ee Talyaanigu gumeysan jiray, waxanay kooxdaasi hogaamintii talada u dhiibeen keligii-taliyihii Marxuum Maxamed Siyaad Barre. Waxa la af-gembiyey Xukuumaddii rayidka ahayd ee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal-wasaarahana uu ka ahaa Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal.
Inkastoo ay jiraan fasiraado badan, oo laga bixiyo ama lagu micneeyo asbaabihii gun-dhiga u ahaa inqilaabka, kuwaasoo aynu ka xusi karno mid ku yimi maamul-xumo lagala kulmay Xukuumaddii talada dalka haysay, sidoo kale xiisadii dadka oo gaadhay heer aad u xasaasi ah, gaar ahaan markii la gaadhay bishii May 1969. Waxa kale oo ka mid ah daliilada dadka qaarkii ku cabiraan Doorashadii Baarlamaanka oo bilow u noqotay qalalaase iyo qas dalka intiisa badan ka abuureen Ururadii-siyaasadeed ee la sameeyey oo tiradooda lagu qiyaaso 69 Xisbi/Urur, hadana iyadoo waqtigaa dalku ku socday hannaan dimoqraadi ah, balse sababo kala duwan awgood ku dhisnaa qaab-beeleedyo.
Haddaba iyadoo aragtiyahaasi jiraan, hadana waxa kale oo taa barbar socday oo iyaduna runtii ahayd dareenkeedu taagnaa waqtigaa, ahaydna loollan iyo qun-juraafyo siyaasadeed oo ay qabeen siyaasiyiin badan oo markii ay iska arki-waayeen mansabyada Xukuumaddii uu soo dhisay Marxuum Cigaal u jeeni-qaartay inay ku dhaqaaqaan wax kasta oo lid ku ah dawladii Madaxweyne Cabdirashiid. Geesta kale, xoggo Wargeyska “Yool” helay oo ku xidhiidhsan dareenadii waqtigaa ayaa qaarkood hoosta ka xaqiireen in kooxo isugu jiray saraakiil iyo siyaasiyiin markaas-uun hana-qaaday, badina kasoo jeeday beeshii Ra’iisal-wasaaraha wacad ku mareen inay musticid u yihiin ridida Xukuumaddii rayidka ahayd, maadaama iyaga iyo siyaasiyiintoodiiba ay ka qadeen mansabyadii shishlaa ee Xukuumaddii Marxuum Cigaal.
Docda kale, saluuga iyo murranadaas waxa weheliyey jid-diid Siyaasadeed oo la xidhiidhay shakhsiyaadkii mansabyada shilis ka helay Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal-wasaare Cigaal, gaar ahaan siyaasiyiin iyo saraakiil da’ yarayd oo meelo kala duwan loo magacaabay. Tusaale ahaan, mansabyada la sheegay in dadka qaarkood, gaar ahaan kuwii Beesha Isaaq kasoo jeedeen saluugoodu ka curtay, waxa ka mid ahaa Marxuum Xasan Cabdi Walanwal (Xasan Keyd) oo lagu qoray Safaarada New York, Maxamed Abokor X Faarax oo isna loo magacaabay Danjirihii Addis Ababa ee Soomaaliya, Rashiid Yaasiin oo lagu qoray Safaarada Tansaaniya, Cabdillaahi Koongo oo Safiir looga dhigay Wadamada Caraabta midkood.
Waxa isaguna ka mid ahaa xubnihii waqtigaa Marxuum Cigaal xilalka u dhiibay Madaxweynaha Somaliland ee talada haya Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ka dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta, inkastoo dadka qaarkood xusaan in Md. Siilaanyo aanu ku qancin xilka loo dhiibay, oo uu rabay in lagu qoro safaaradaha debada mid ka mid ah, hase yeeshee maaha arrin mar-qudha afkiisa laga maqlay ama uu goob fagaare ah ka sheegay.
Docda kale, ka hor intii aanu inqilaabku dhicin, balse uu saan-saankiisu muuqday, waxa jiray digniino shakhsiyaad wax ka ogaa inqilaabkaa ay usoo tebinayeen Marxuum Cigaal, shakhsiyaadkaas waxa ka mid ahaa Marxuum Jeneral Caynaanshe. Sida xogahaasi sheegeen waxa arrintaasi qeyb ka tahay asbaabaha loo tiriyo dilkii lagu fuliyey General Caynaanshe markii dambe, waxana dadka aragtidan qabaa ay soo daliishadaan dilkii sabab la’aanta ahaa ee lagula kacay Marxuum Kabtan Moote, oo isagoo ku sii socda xeradii Afasiyooni oo uu habeenka gaadhka u lahaa galabnimadii la dilay.
Intaas oo keliya kuma ekayn xogihii digniinta ahaa , balse waxa jiray digniin afka ah Ra’iisal Cigaal ka helayey siyaasiyiin iyo saaxiibo ay isku dhawaayeen oo uu ka mid ahaa Cabdirisaaq Maxamuud Abokor oo ahaa Ku-xigeenka hoggaankii wardoonka ciidanka iyo sidoo kale dareeno cadho leh oo ku mudnaa afraad taageerayaal u ahaa Maxamed Siyaad Bare iyo Maxamed Abshir Muuse oo isagu xiliyada qaarkood ka doobyi jiray Muqdisho, hase yeeshee uu go-lidda kala baxay Marxuum Cigaal markii uu Ra’iisal-wasaaraha noqday. Waxana taageerayaashii shakhsiyaadkaasi afka gacanta iska geliyeen Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Saybeeriya u diray Siyaad Barre, tallaabadaasina waxay sababtay cabashooyin ka dhan ahaa Md. Cigaal oo loola tegay Madaxweynihii Soomaaliya Marxuum Sharmaarke ka hor dilkiisii.
isku wada xooriyoo marka kooxdii saraakiisha ahayd la wareegeen talada dalka ee bakhtiyey ileyskii dimuqraadiyada ee hana qaaday, waxana bedalkiisa sameysmay kooxo Shaadhkoodu markii dhalaalay, si deg-deg ahna uga dhex muuqday bulshada inteedii kale, kuwaasoo qaarkood markiiba lagu taaray xilal sare, halka kuwo kalena yaqiinsadeen inay hadafkoodii gaadheen, waxanay bilaabeen falal iyo ficilo ay ku muujinayaan muxibada iyo kalgacalka ay u hayaan Jaalle Siyaad. Daadkaas waxa qaarkood ay la baxeen magacyo ay ugu tallogaleen inay dadweynaha kaga soocnaadaan, SEEFTA KACAANKA.
Keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare waxa uu bilaabay falal uu kaga aar-goosanayey shakhsiyaad ka tirsanaa Xukuumaddii uu talada ka qabsaday, sidaa darteed waxa uu xabsiga dhigay Ra’iisal-wasaaraha dalka Marxuum, waxanu bedalkiisa xilal u dhiibay shakhsiyaadkii uu u arkayey inay siyaasada iskaga soo horjeedaan, gaar ahaan xubnihii jaalka Marxuum Cabdillaahi Oomaar, sida Cumar Carte Qaalib, Ismaaciil Cali Abokor iyo xubno kale oo aad u tiro badan, kuwaasoo dhamaantood mustawe fiican ku lahaa talada dalka tan iyo intii u dhexaysay 6 June 1982, xiligaas oo xubnahaa iyo kuwo kaleba Siyaad Barre xabsiga dhigay, halka 11 January 1982 uu xabsiga kasoo daayey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Haddii aynu dib-u-milicsano guul-darooyinkii shacbigu kala kulmay hoggaanka Keligii Taliyihii Siyaad Barre, inkastoo ay jireen waxyaabo la taaban karo oo uu bulshada u qabtay, haseyeeshee markii KACAANKU dhashay-ba waxa uu ummada u qaaday balaqaaydo faro-badan oo ay ugu weyneyd la dagaalanka musuq-maasuqa, qabyaalada iyo soo celinta nidaamka iyo haykalkii dawladeed ee dalka, waxa la bilaabay baahinta Distoorka, waxa uu abuuray Golihii Sare ee KACAANKA oo xubnihii galay ay u badnaayeen Saraakiishii Ciidanka Qalabka sidey.
Waxa kale, oo la sameeyey Xogheyaasha dowladda oo ka dhigan Wasiiro waxeyna u badnayeen dhalinyaro. Sanadihii ugu horreeyey Kacaanku waxa uu ku socday xowli layaab leh oo loo bogay, waxaana hormar lataaban karo laga xaqiijiyey Xogga dhaqaalaha iyada oo qofwalba oo kasoo baxay Dugsi-sare uu haystay ballanqaad shaqo iyo meelayn. Waxa dalka ka bilowday mashaariic lixaadleh oo ah xaga Beeraha, Warshada iyo Badahaba.
Waxqabadkii Kacaanka waxa ugu weynaa qoriddii iyo hirgalintii barshada Far-Soomaaliga, iyadoo ololihii hormuurinta reer Miyiga ee xaga barashada uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay Afafkii qalaad oo dadyar oo qudhii ay yaqaaneen, waxaana bilowday in Buugaagtii Cilmiga ee dugsiyada lagu dhigan jiray lagu turjumo Afka Soomaaliga, Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sareba ay ku qaateen afkoodii Hooyo.
Dhinaca kale, waxa jiray siyaasado mal-dahan oo aan muuqan oo Kacaanku hoos ka waday iyo ujeedooyin qarsoon oo inyar oo dad ahi ey xogogaal u aheyd, isla markaana ay ugu weyneyd Takhaluska cidkasta oo Siyaad Barre u arko in ay xukunkiisa Khatar ku yihiin sida Dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Sarkaalkii caanka ahaa ee ay kamid ahaayeen General Caynaanshe, Dheel iyo Salaad Gabeyre, isagoo jagooyinkii iyo xilalkii Militarinimada ka fogeeyay qaarkoodna Xabsiga u taxaabay, waxaana Saraakiil Sare ee uu sida gaar ah u necbaa, ka mid ahaa:
- General Maxamed Abshir
- General Maxamed Cali Mire
- General Cabdilaahi Faarax Hoolif
- General Cismaan Sabriye Sokorow
- General Jaamac Aw Muuse
- General Cali Xaashi
- Iyo kuwa kale
Dhibaatadii ugu weyneyd iyo mucaaradnimadii shacbiga, waxa uu la kulmay Keligii taliye Siyaad Barre Sanadkii 1975-kii, kadib markii uu qudha-ka-jaray Culumadii ka hor timid xeerkii Qoyska ee Kacaanku soo saaray, kuwaasoo dhaliilo u soo jeediyey ku dhaqanka sharcigaas, kuna tilmaamay mid xaaraan ah oo shacbigu ku cadaab mudan doono haddii ay oggolaadaan meel-marintiisa.
Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilowday 1977-kii oo runtii khasaare weyn soo gaadhsiiyey quwadii Ciidamada, kadib markii dib loogu soo ceshay xuduudiihii ay markii hore ka duuleen, waxa bishii April Sannadkii 1978-kii dalka ka dhacay inqilaan aan runtii midho-dhalin ama lagu guuleysan, kaasoo ay isku dayeen qaar ka mid ah Saraakiishii Ciidamadu, waxaana ka mid ahaa ragii isku daygaa sameeyey Col. Cirro.
Maalintaas ka dib Siyaad Barre waxa uu Ciidamada Qalabka sida u arkay Cadow aan la isku aamini karin, waxaanu diirada saaray dhinaca qabyaalada iyo qabiilka, isagoo isbedel xoog leh ku sameeyay Ciidamadii ilaalinaayay iyo kuwii joogay meelaha istaraatiijiga ah oo uu u dhiibay rag ay isku heyb yihiin iyo kuwa uu aaminsan yahay, taasoo keentay in laga taqaluso badi Saraakisha, waxa soo baratay ee xirfada Ciidan laheyd laguna bedelo kuwa aan aqoon Ciidan laheyn, balse lagu kalsoon yahay.
Waxa xaaladu hadba meel soo marto, waxa xaalku cakirmay markii la soo gaadhay Sideetanaadka, waqtigaasoo ay samaysmeen Jabhado si dhab ah ula dagaalamayey Taliskii uu madaxda ka ahaa Siyaad Barre, kuwaasoo ay Kow ka ahayd Jabhaadii SNM oo runtii faro-baas ku haysay nidaamkiisa, isla markaana u muuqtay Jabhad si wax-ku-ool ah ula dagaalamaysay Xukunkiisa, intaa wixii ka danbeey Siyaad Barre, waxa uu aad isugu hawli jirey sidii uu u diyaarin lahaa ciddii isaga xukunka kala wareegi lahayd.
Iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayeen hadal-hayno sheegayey in xaalada Caafimaad ee Siyaaad Barre aanay wanaagsanayn, kadib markii uu galkay shilka Gaadhi, isla markaana wixii intaa ka danbeeyey talada dalku ay gacanta ugu jirtey kooxo tiro badan oo uu Qoyskiisu ka mid yahay, kuwaasoo awoodii dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka siday doonaan ugu takri-falay. Haseyeeshee, Siyaad Barre waxa uu si rasmi ah u dhadhamiyey dhibaatooyinkii ugu weynaa ee dalka ka dhaca markii ama xiliyaddii uu ku talaabsaday falalkii foosha-xumaa ee bini-Aadminimada ka baxsanaa ee uu ka midka ahaa Xasuuqii Xeebta Jasiira, kaasoo lagu laayey Boqolaal qof oo aan waxba galabsan, balse lagu qoonsaday oo kaleiya Qabiilooyinka ay ka soo jeedaan. Iyo iyadoo Saraakiishii Sare ee Ciidanka Qaranku amar ku bixiyeen in Ciidamada Cirka ee fadhiyay Garoonka Hargeysa Madaafiic ku garaacaan Magaalada iyo Goobaha Shacbiga ku noolaa.
- Gumaadkii Ciidamada Qalabka sida ay Todobaatanaadkii iyo Sideetaneeyadii ka geysteen Gobolada Nugaal iyo Mudug
- Dilkii 1989-kii Ka dhacay Xeebta Jasiira oo lagu xasuuqay dad waxba aan galabsan iyo dilal-kii qaarjinta ahaa oo Siyaad Barre u geystay intii aanu ka bixin Magaalada Muqdisho.