WAJAALE NEWS

War Deg Dega; Xukuumada Oo Xidhay Suldaan Mawliid Sabayso Oo Kamida Madax Dhaqameedka Somaliland.

HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka Naga soo gaadhaya Guri salaadiinta subeer awal ee magalada hargaysa ayaa waxaa caawa fiidkii Soo weeraray ciidamada RRuda kuwaasi oo xoog kula baxay suldaan mawliid sabayso oo kamida madaxdhaqameedka magaalada hargaysa ismarkaana mudooyinkii udanbaysay xukuumada silaanyo usoo jediyay dhaliilo xoogan kana soo horjeestay wareejinta haamaha shidaalka ee magaalada berbera.

DHANKA KALE CIIDAMADA RRUda Ayaa isku dayay in ay xidhaan suldanka guud ee beelaha subeer awal oo isaga iyo madaxdhaqameed kaleba ku sugnaa guriga la soo weeraray Waxaase arinta xadhiga suldaanka guud ka dagaalamay dadbadan oo xiligaa fadhiyay guriga halka aanay usuurtoobin in ay ciidamada ka reebaan suldaan mawliid oo xiligaa xoog ay ku qaadeen ciimadu

Macada sobobta rasmiga ah ee ka danbaysa xadhiga suldaanka iyo weerarka qaawan ee lagu qaaday guriga saladiyiinta subeer awal.

 

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO SHABAKADA WARARKA EE WAJAALENEWS,NET

 

Exit mobile version