WAJAALE NEWS

War Deg-Deg Ah:- Bada Berbera Oo Liq Day Laba Dhalinyaro Oo Ka Yimid Magaalada Hargeysa Oo Dalxiis Iyo Dabaal UYimid

Berbera(W.N):-Bada Magaalada Berbera Ayaa Galabta Liqday laba dhaliyaro oo usoo dalxiis tagay maagalada berbera si ay bada ugu dabashaan kuwaas oo ka yimi magaalada hargeysa Gar Ahaan Xafada Xero-Awr Labada Dhaliyarada Ah ayaa Magacyadooda Lagu Sheegay Axmed Nuur Yaxye iyo Kayse kuwaas oo imika meydkoodi mid kamida la helay halka kii labaad oo lagu magacaabo Axmed-nuur Yaxye.
Meydka-300x169

Waxa inta badan xiliyada Ciidaha iyo maalmaha Yoomal faraxa ah Bada magaalada Berbera usoo dalxiis taga dhalinyaro aad utira badan oo ka kala yimaada Gobolada dalka kuwaas oo intooda badani aanay wax aqoona ulahayn bada iyo qaabka loogu dabaasho kuwaas oo ciid kasta ay qaar kamidi ku naf waayeen.

Dhinaca maamulada hayadaha dawlada ee Gobolka Saaxil ee ay arintani khusayso ayaa iyaguna qorshe lagu hago ama lagu xakameeyo dhalinyaradaas bada ku lee,anaya usameynin

Exit mobile version