WAJAALE NEWS

Somaliland iyo Ethiopia Oo Ka Wada Hadlay Suldaanka Falaagoobay Ee Wabar iyo Arrimo Kale

Maxamed-BiixiHargeysa(Wajaalenews)- Dawladda Somaliland iyo ta Ethiopia oo maalmihii la soo dhaafay wada hadalo ku yeeshay xarunta dawlad degaanka  Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin Suldaanka Falaagoobay ee Abubakar Cilmi Wabar iyo iskaashiga ilaalinta xuduudka labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale u ballamay shirar dambe oo lagu sii ambaqaadi doono arrimaha ammaanka iyo iskaashiga labada dhinac, kuwaasi oo ka dhici doona gudaha Ethiopia, sidoo kalena Somaliland fidisay marti qaad ah in masuuliyiinta Ethiopia yimaadaan Somaliland.

Wasiir Maxamed  Biixi Yoonis ayaa sheegay in ay kulamo ku dhex mareen magaaladda Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Wasiirul dawlaha arrimaha dibada heer Federaal ee dawladda  Itoobiya, Jananka ciidamadda iyo madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaga nabadgelyada, tahriibta iyo Suldaanka falaagoobay ee Waber.

“Waxa aan jecelahay in aan  warbixin idinka siiyo safarkii aanu ugu baxnay dalka Itoobiya aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa aanu tagnay Addis Ababa, waxaan iska soo raacnay Addis Ababa Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya, markaa muhiimada safarku waxa ay ahayd sidii aanu cilaaqaad balaadhan ula yeelan lahayn kililka shanaad, waxa aanu nimid Jigjiga si xoogle ayaa naloo soo dhaweeyay, waan u mahadnaqaynaa  madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, dawladiisa iyo dadka deegaankaas  sida ay noo soo dhaweeyeen.”

Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii watay  waxa uu yidhi “Annaga iyo Wasiir dawlaha arrimaha  dibada ee Itoobiya, ninka haysta ciidamada Herer  iyo madaxweynaha  dawlad deegaanka Soomaalida  wada-hadal ayaanu ku wada galnay labadii cisho ee aanu joognay Jigjiga. Shirar muhiima ayay ahaayeen aad iyo aad ayaan uga wada hadalnay waxyaabihii naga dhaxeeyay ee ku lug lahaa xuduudaha nabada tahriibta ama  Waber uga wada hadalnay.”

“Waxa aanu aaminsanahay in ay tahay cilaaqaad wanaagsani meeshaa ka dhacay aad ayay u jeclaysteen waxaanuna u balansanahay in dib layskugu yimaado Diridhabe 18 bishan aynu ku jirno, taas oo ay ka soo qaybgali doonaan ciidamadeena booliska iyo badhasaabyadu si aynu cilaaqaad walaaltinimo u yeelano dalka Itoobiya waana soo casuunay waxaana aanu filaynaa in ay inoo iman doonaan,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:-Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version