WAJAALE NEWS

Prof: Gees oo ka Warramay Sida Uu Ku Yimid Xeerka Doorashooyinka Somaliland, Muranka ka Taagan Iyo Sida Looga Bixi karo Khilaafka Hadheeyey.

“Reer degayana, tis ood ah ayaa loo rittaa, Dad is-hayana hadal ayaa lagu darsadaa..” Odhaah Soomaaliyeed

Hargeysa,(Wajaalenews)  Siyaasiga Prof: Maxamed Siciid Gees, ayaa ka warramay sidii uu ku yimid Xeerka doorashooyinka Golayaasha kala duwan ee Somaliland markii dhinaca nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka tooska ah loo guurayey. Waxaanu sidoo kale ka hadlay muranka siyaasiga ah ee ka taagan wakhtigan Xeerka doorashooyinka Somaliland iyo xalka lagaga bixi karo.

Waxa uu Prof: Gees sidaa ku sheegay ama kaga faallooday Taxanihiisa Khamiislaha ah ee Dharaaro Xusuustood, kaasoo uu si qoto dheer ugu sharraxay sidii uu ku curtay ama ku yimi Xeerka doorashooyinka Somaliland, sida loo baahnaa in loo dhammaystiro, qabyada Qaran ahaan nidaamka dimuruqaadiyadda ee la qaatay ka muuqda iyo sida ay hadda tahay in lagaga baxo khilaafaadka ka taagan iyo galdaloolooyinka horseedka u ah khilaafaadka ka dhashay.

Qormada 41-aad ee Taxanaha Dharaaaro Xusuustood, waxay u dhignayd sidan:- “Waddamada dimuqraadiyadda sheegta ee ku dhaqma habka doorashooyinka ee xukunka dalka lagu kaltamo ee codka dadweynaha  lagu kala guulaysto, waxay leeyihiin xeer doorashooyin oo tifatiran oo loo raaco habka doorashada ee Golayaasha Qaranka oo dhan. Iyada oo halkaas laga ambaqaadayo ayaa Xukuumaddii Cigaal u gudbisay Xeerka doorashooyinka Qaranka oo ka koobnaa  Doorashada Golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada iyo Wuurtida, iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa  oo isku dhan sannadkii 1999 horraantiisii golaha wakiilada, si loo  ansixiyo marka laga doodo sida dastuurku dhigayo.

Waxa soo habeeyay xeerkaasi Guddi Golaha Wasiirrada ka koobnaa oo uu Guddoomiye u ahaa Cumar Nimcaale (Cumar-yare) oo Wasiirka Arrimaha Gudaha waqtigaas  Guddiga oo kaashaday  garyaqaan  Marxuun Faysal Xaaji Jaamac  oo mar dambe noqday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare. Marxuunkaasi waxa uu ka mid ahaa Guddigii isku- shandhaynta labada nuqul ee dastuur uu u xilsaaray Shirweynihii  Qaranku  ee 1996-97. Marxuunkaas oo dastuurka jira ee aftida loogu codeeyey gacanta weyn ku lahaa.

Sannadkii 2001 dabayaaqadiisii markii aftida dastuurku qabsoontay ee la ansixiyey, ayaa Golaha Wakiiladu  guda- galeen doodda Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo is huwan.Ayaan darro waxa markiiba muran ka bilaabmay qaybtii ku saabsanayd Golaha Wakiilada oo saami  qaybsiga kuraasida golaha ee lixda gobol ee somaliland oo  hore u ahaa lixdii  degmo ee maxmiyadii Somaliland ee Dawladda  Boqortooyada Midawday ( United Kingdom Uk ) ay maamuli jirtay. Kuwaas oo kala ahaa  Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanod Iyo Ceerigaabo.

Waxa soo jeedintu ahayd in lagu dhaqmo saami-qaybsigii 1960. Arrintaas ayaa xildhibaanadii Boorame ka boodeen. Waxa ku soo biiray kuwa kale oo  ka soo jeeda Hargeysa. Halkaas oo arrintu marayso ayaa Marxuun Cigaal socdaal ugu baxay ilaa ceerigaabo, isaga oo ku dhaarsan inuu kala diro Golaha Wakiilada. Intuu safarka ku maqnaa ayaa golehii ansixiyey qayb ka mid ah xeerkii oo ku saabsanayd Doorashada Golayaasha degaanka iyo Madaxweynaha. Markii Marxuun Cigaal safarkii ka soo laabtay ayaa loo keenay qaybtii xeerka ee la ansixiyey taas ayaa hakisay go’aankii uu watay ee ahaa kala diridda Golaha Wakiilada oo uu dib u dhigtay, Isaga oo ku talagalay marka waqtigoodu dhamaado oo ahaa Mey 2002 inay iska kal tagaan,oo doorasho la qabto, tii illaahay ayaa ka soo horraysay oo geeridii ayaa ku timi madaxweynaha isla bishii Mey 3deedii.

Sidaasi ayaa uu ku kala furfurmay xeerkii doorashooyinku ciddina dib isuguma tolin dirqi ayaa 2005 xeer ku meel gaadh ah oo ilaa maxkamadda sare gaadhay ayaa lagu galay doorashadii Golaha Wakiilada. Wattaa  maantana uu  soo baxay murankii Muddadaas 10ka sano ah ciddina iskama xilsaarin sidii loo maarayn lahaa murankan. Waxa jeebka loogu haystay waa yaab eh . Maxaa guddiga doorashooyinka, xukuumaddu, golayaashu, xisbiyado ay soo qaadi waayeen waqtigaas dheer? Bal adba, haddaan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ayaa la yidhi.Maxaa muranku u yimaadaa marka doorasho la damco in la qabto inta kale looga aamusan yahay.

Sheeko soomaaliyeed oo  male awaal ah oo kaftan ah ayaa sheegaysa in gabadh gudniinki dhaqankii fircooniga ee hore lagu sameeyey  la aroosay deeto gelmadii ayaa dhici weyday iyada iyo saygeedii  sababo farsamo awgeed. Islaantii ayaa lagu soo celiyey gabadhii tiroba laba jiro si ay wax u nefisiso. Islaantii waxay tidhi markii labaad, war fidiya ayuun baa la  leeyahay, ee ka kale jeeba ma la garanwaayey!!

Tanaasila ayuun baa la leeyahay  gobalada, ee maxaa xeerka loo jeebi waayey, oo wax looga beddeli waayey. Bal hadda dheeho soo-jeedintan akhriste.

!- Golaha wakiiladu  waa gole qaran ee  ma aha gole gobol, xeerka ay ansixiyaan waxa uu saameeyaa qaranka oo dhan ma aha mid gobol ( Sida  dastuurku dhigayo weli waa maqan yihiin golayaashi goballadu ay yeelan lahaayeen ).

2- Saddex xisbi ee qaranku waxay ku tartamaan 82 kursi ee golaha wakiilada. Sidaas darteed waxay soo gudbinayaan saddex liis oo min 82 musharax ah. Musharax kastaa calaamadiisii gaarka ama sumadii geelooda uu  leeyahay .

3-Goobaha codaynta ee dalka oo dhan ayaa looga codaynayaa xisbiga iyo musharaxa .

4- Tirada   guud ee codadka la codeeyey oo dhan ee doorashada  ayaa la isugeynayaa.  Wadarta soo baxda  waxa loo qaybinayaa 82 kursi ee golaha wakiiladu ka kooban yahay. Waxa soo baxaya tirdada codadka ee kursigu ku fadhiyo.

5- Tiradii codadka ee guud ahaan xisbi weliba helay ayaa loo qaybinayaa codadka  uu ku fadhiyey kurisiga golaha wakiiladu. Waxa soo baxaya xisbi waliba inta uu ka  helay kuraasi  doorashada.

6- Tirada kuraasida  uu xisbigu ka helay 82kursi ayaa gudahiisa lagu kala qaybsanayaa sida musharixiintiisu u kala codad badan yihiin sida haddaba lagu dhaqmo.

Murankii kuraasidu waa kala codad badan yahiin iyo gobal hebel ayaa codad badan ayaa sidaas loogaga  baxayaa. Hayaanka loo hayaamo gobalada marka doorashada golaha wakiiladu dhacayso, waa laga raysanayaa, meeshii aad joogtid ayaad uga codayn karaysay musharaxii aad jeclayd. Waxa uun waajib ah inaad iska diiwaangelisid goobtaas aad ka codaynaysid.

“Aan ka raysto hawshii ma I raacday haaa …..ma  iraacday “’ Heesta Marxuun  Axmed Mooge. Marxuunku markii aanu fasalka koowaad dugsiga Riis ku jirnay ayaa waxa uu qaadi jiray hees soodaani ah oo la odhan jiray “ adayr almuhaajir”.. Shimbir hayaan.”

 

Exit mobile version