WAJAALE NEWS

Moscow:-Masjidkii Ugu Waynaa Dalka Ruushka Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray Iyo Madaxda Muslimiinta Oo Soo Dhaweeyay+ Sawirro.

Hargaysa(Wajaalenews):-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir putin, ayaa xadhiga ka jaray Masjid wayn oo laga dhisay Magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

Munaasibaddii xadhig ka jirista ee Moscow, ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo Hoggaamiyaha falastiin Maxamuud Cabbaas iyo Madax kale oo Islaam ah.

Masjidkan oo ah ka ugu wayn dalka Ruushka, ayaa dhismihiisu waxa uu socday muddo toban sanadood ah, waanna Masjidkii ugu horreeyey ee baaxaddaas leh ee laga dhiso dalka Ruushka, waxaanna ku Tukan karra dad gaadhaaya 10,000 oo qof.

Waxa la sheegay in Masjidkan

lagu dhisay adduun gaadhaaya 170 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, waxaanna la sheegay inay Lacagtaas bixiyeen dad qaadhaan bixiyeyaal ah, iyadoo sida ay sheegeen Maamulka Masjidkani uu maalinta berry ah lagu Tukan doonno Ciidal adxadda

Vladimir Putin oo tan iyo markii Hogaanka dalkaas loo doortay Sannadkii 1999-kii Dagaal kula jiray xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalanta Koonfurta Ruushka, waxa uu khudbadiisii ku booriyey hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ruushka inay ka hor taggaan xagjirnimadda.


“Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta dalka Ruushka Waxaan ku boorinayaa inay si geesinimo leh u isticmaalaan Awooddooda oo ay ka Hor-tagaan fikradaha Xagjirnimada. Waxaana ku Ammaannayaan madaxdaas inay ka hortagaan kuwa dhibaatooyinkaas wada.” Ayuu yidhi Mr Putin.

Muslimiinta ku dhaqan dalka ruushka waxa lagu qiyaasaa 23 Milyan oo qof,kuwaasoo intoodda badani ku nool yihiin waqooyiga dalka Ruushka, waanna Diinta labaad ee ugu wayn dalka Ruushka.

Sidoo kale, Muslimiinta ku nool Magaalada Moscow ee Caasimadda ah ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan 2-Milyan oo Qof, iyadoo dalka Ruushka ay daris yihiin waddamo badan oo Muslimiin ah, kuwaasoo shacabkoodu ay booqdaan dalkaas.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

Exit mobile version