WAJAALE NEWS

MAANTA SOMALILAND CIDAY DAN U TAHAY WAA LABAD BEELOOD EE LOO YAQAAN BEELAHA DHEX ISAAQ IYO SAMAROON

Hadaba sida ka muuqata ciwaanka maqaalkaygan labada beelood ee igu aha beelaha dhexe waa labada beelood ee sidii ay dawlada Somaliland u la soo noqotay dawladnimadeeni sanadkii 1992 iyagu lafaha kal baxay ee hogaaminta wadanka haystay marna aan dhariga ka fogaan laakiin beelaha cidhif yada (CIISE IYO DHULBAHANTE) WAA GOBOLADA SOOL IYO SALAL oo iyagu intaaba dibada ka taagnaa yaan lasyu qaldin beelaha ka sadbursiimada ka doonaya somaaliland dadka somaalilandna waxaan doonayaa inay sidaas u kala gartaan
Hadaba aan u daadago maqaalkaygan dulucda aan uga socodo oo aha waa maxay sababta dadka Awdal ka soo jeedaa ay isagu raraan gobolo aanay degaan u lahayn balse sida caadada ah dadku ay gobol walba si teel teela u dagto maaha macnahu haduu reer Awdal yahay waa reer Awdal balse waa degaanka uu dagan yahay hadaba anigoo aad u taageersan hadaanu nahay dad ka reer gabilay inay cid waliba xaqeeda hesho saamiga ku raasida baarlamaanka oo loo maro sharciga ayaa waxa iga yaabiyay
Durbaanka uu xildhibaan ayaanle tumayo oo aan hada u arkayo baroortu orgiga ka wayn oo ay tahay mid uu dadka dib u xasuusinayo ficiladii uu nidaamkii siyaad bare kala dhex dhigay beelaha walaalaha ah ee ood wadaagta aha habeenkii xalay ahaa ayaan tvg waxa aan ka fiirsaday xalfad dhalin yaro ka soo jeeda Awdal ay ku taageerayeen xildhibaanadoodii ka dareeray xeerkii doorashooyinka ku waas oo uu soo abaabulay xildhibaan ayaanle isaga oo ugu yeedhaya inay ka soo jeedaan GOBOLADA .AWDAL SALAL IYO GABILAY waa arin la’la yaabo afkana way ka wayntahay waan arin u jeedadeedo ka soo jeeda fikirkii nimadaam kii siyaad bare ee ahaa gadarbuursi ayaa leh gabilay ilaa hargaysa waxaan rabaa inaan xildhibaan ayaan leh xasuusiyo inay ceebi ugu filantahay iyo ficil xun oo aan la garanayn meel uu u socdo gabilay waa gobolka maroodi jeex marka nidaamka doorasho barlamaanka waxana gobolkaa ka sharaxnaa (20xildhibaan)oo golka maroodi jeex la’yidhaah awdalna waa 13xildhibaan waxaan leeyahay xildhibaan ka gabilay Awdal lamay qaybsane riyada ka toos saamiga kaa ma qani waa ka aniga oo maroodi jeexa iga maqan waanan kula qabaa in doorashada loo helo tiro koob rasmiya hadaba maanta hadaan nahay dadka ka soo jeeda gobolka gabilay u dulqaadan mayno suldan iyo xildhibaan danbe oo dadkiisa iyo somalilandba fariin beena u gudbiya dadaka reer gabilay dagaanadoodii sida lughaya siimoodi beerahii ay ku lahaayeen waa ay ka fadho madhan yihiin ceerbaldaare waa ogtahay waxa ka dhacay dalkan somaaliland cadaalad darada ugu wayne waxa ay haysataa dadka reer gabilay waxa aan rabaa in wixii imika ka danbeeya dadkaasi ka toosaan hurdada waayo dhibkii ka dhacay ceerbardaale ee go’aama golaha guurtidu ka soo saartay ee dhib la ogyahay ka dhacay cidi may fulin.seemaal dadkeedii baa qoxooti ku aha hadii awal Somaliland aan ku waynay dhulkayagii dib ugu waayi mayno
Gabagabadii waxaan leeyahay markii wasiir duur arimaha gudaha ahaa dadkii dhibka gastay dilka lagu eedaynayay ee ka soo kala jeeday dila iyo gabilay waxa kaliya ee xidhan waa dadkii gabilay halka kuwii DILA ka soo jeeday ay qaarkood maayaro yihiin iyagoo dan biilayaal ah miyaanay ahayn cadaalad daro wayn hadaba ha dii reer Awdal u jeedaan degaamaysi taasi dhici mayso laakin saamiga xaqa ayaad leedahay ani iyo adiguba waxa iyaduna la’yaaba inuu xildhibaanku is daawad siiyay been inuu ku hadaaqo waxaan jirin oo ah in ay Awdal iyo saaxil xadleeyihiin waxaan leeyahay wali kaamay bixin cunsuriyadii laga bogsaday laakiin wixii imika ka danbeeya la kala xishoon maayo Waxaad rabtaan ayaan rabnaa anaguna dulkayagana somaaliland darteedku waayimayno ee habkasta oo ku helayno waanu mari doonaa
Aadan bilqariye gabilay

Exit mobile version