WAJAALE NEWS

Ma Xamar Oo La Tago Ayaa Xaaraan ah, Ma Fannaaniintaa Xayiraad La Saaray, Mise Xiddigahaa Denbi Galay Xaggee Sheekadu Ka Xidhmi La’ dahay “Warbixin”

Ceerigaabo(W.N): Waxaynu manta ognahay in xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay qaar ka mid ah fannaaniinta xiddigaha geeska kuwaasoo kazoo laabtay safar ay dhowaan ku tageen magaalada Muqdisho.

Waxa kale oo xusid mudan kooxdan fannaaniinta ahi inay Muqdisho ka qabteen bandhig faneedyo ay ugu tala galeen munaasibaddii Iidal Adxa oo ahayd maalin guud ahaan ku weyn muslimiinta adduunyada daafeheeda ku kala nool, meelo badan oo dunida ahna ay ka socdeen munaasibadaha farxadedd ee loogu tala galay munaasibaddan Iidal Adxa, iyadoo kooxdani bandhig faneedkii ay Muqdisho ka qabteen-na aanu ahayn mid cidnaba ka qarsoon oo warbaahinta inteeda badaniba soo tebinaysey.

Waxa iyaduna in la xasuusnaado mudan in aanay ahayn markii koowaad ee kooxdan xiddigaha geeska oo Somaliland ka safray markii ay soo laabteen lagu qabsaday Muqdisho ayaad tagteen, iyadoo horena ay dhacday xataa in laga mamnuucay inay Somaliland soo geli karaan.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horraysey ee fannaaniin Reer Somaliland ahi u bexeen waddannada aynu deriska nahay iyadoo hore in badan fannaaniinta Somaliland sidan oo kale ugu bexeen Waddannada Ethiopia, Djibouti, Kenya Iwm, kana soo sameeeyeen bandhig-faneedyo la mid ah kan kooxdani Muqdisho kazoo sameeyeen.

Mana jirto xayiraad gaar ah oo Reer Somaliland ka saaran inay u safri karaan Somalia/Muqdisho waxana isu furan hawada, dhulka iyo badda si la mid ah sida waddaannada kale ee deriska aynu nahayba aynu isugu socon karno, haddiiba uu jiro sharci DalkugalVisas jidaynaya in aan cidina la’aantiis safri karinna taasi waxay habboon tahay inta aanu qofku waddankiisa ka bixin in la siiyo cidda safraysa, haddiise taasi dhici weydo waqtigaas ma habboona cid soo laabatay in lagu qabsado ama lagu xidho safarka ay kazoo laabatay halkay doontoba ha tagtee.

Haddaba arrimahaas oo dhan & xadhigga manta ee xiddigaha geeska markaynu eegno waxa mudan inaynu isweydiinno Ma Xamar oo la tago ayaa xaaraan ka ah Somaliland Ma Fannaaniintaa xayiraad gaar ah xagga socdaalka laga saaray, mise kooxdan Xiddigaha Geeska ayaa Somaliland denbi u gaar ah ka galay, Xaggee Sheekadu ka xidhmi la’ dahay. “Hasu Maankay Gaddee Ma Masaar Bay Laqdey”

Exit mobile version